Qoysku waa unugha iyo aasaaska koowaad ee bulsho kastaahiba ay ka koobantahay, oo bulshada ayaa ah qoysas isu tagay.
Hordhac
Qoysku waa unugha iyo aasaaska koowaad ee bulsho kastaahiba ay
ka koobantahay, oo bulshada ayaa ah qoysas isu tagay.
Haddaba sooyaalka nololeed ee aduunyada laga soo bilaabo Nabigeena
Adam CS iyo Xaawo dadku waxey soo ahaan jireen qoysas, haba kala duwanaatee
sida ay qoysasku ku aasaasmaan marka laga fiirinayo kala duwanaanshiyaha
diimeed, dhaqan iyo caadooyinka ay dadku ku kala duwan yihiin.
Aasaaska Qoys
Inta aanan u galin burburka qoyska bal aan wax yar ka taabanno
siduu qoys ku aasaasmaa, anagoo ka eegayno diinteena islaamka.
Diinteena islaamka ah waxay noo bayaanisay noona cadaysay wax
kasta oo nolosheena la xiriira dhismaha qoyska ama guurkuna waxa uu ka mid
yahay waxyaabaha aad ay ooga hadashay diinteena maadaama uu yahay tiirka
nololeed ee jiraanta aduunka oo dhan.
Marka uu guur dhacayo ama dhisme qoys la samaynayo diinteena
islaamku waxay tilmaamaysaa inu dhex mari karo oo kaliya lab iyo dhadig
shardina ay tahay in la helo raali ahaanshaha labada qof ee is doonaysa iyo
sidoo kale (Waliga) ama qof ka masuulka ka ah gabadha ogolaanshihiisa ama
fasixiisa, sidoo kale waxa shardi ah in la helo markhaatiyaal.
Guurku waa sunno waana waxa sababta u ah jiritaanka iyo inay
sii socoto nolosha, danaha loo guursadaa way kala duwanyihiin, diinteena
islaamkuna way boorisay oo nabigeenu CSW waxa xadiis ku booriyay dhalinyarada
inay guursadaan oo ay tarmaan intii awood u leh, si uu ugu faano umadaha kale
maalinka qiyaamaha.
Sababaha keena Burburka Qoyska
Burburka ku dhaca qoyska waxaa ka carooda Allahii na abuuray,
waxaana ku farxaya sheydaanka, sidaas ayuuna u yahay wax aan fiicneyn, oo
umaddii uu burbur qoyseed ku batana mushkilad iyo dhibaato aysan uga bixin.
Waan hubaa oo sababaha keena burburka qoysku aad bay u fara
badanyihiin, waliba inta ugu badan ay yihiin waxyaabo aan u qalmin in reer ama
qoys loo burburiyo, waxan se ka soo qaadan doonaa 4 da
sababood ee aan is leeyahay waa kuwa ugu waawayn ee keena kala tagga iyo
furiinka qoysaska.
- Xog yari iyo faham la’aanta dadka is guursanaya
- Hinaasaha ama masayrka.
- Isticmaalka technology yadda (Mobile, Computer, Internet)
- Saamaynta waalidiinta qaar ay ku leeyihiin lamaanaha
WQ: Ahmed Abukar
0 Comments