Waa Qormo Wacyigelin ah oo ku saabsan Cudurka Safmarka ee Coronavirus ama Covid-19 oo saamayn ba'an ku yeeshay guud ahaan caalamka ayadoo Soomaaliya ay kamid tahay wadamada uu ku faafay.
Dulmar
Caabuqa Corona ama (Coronaviruses) wuxuu kamid yahay kooxda
Caabuqyada ee sababa xanuunno ay kamid yihiin Hargabka Caadiga ah, Dhibaato ku
timaadda Habdhiska Nudeyaasha Neefsashada oo afka qalaad loogu yaqaano severe
acute respiratory syndrome (SARS) and Xanuunka Oofwareenka ee Bariga Dhexe oo
afka qalaad lagu yiraahdo Middle East respiratory syndrome (MERS). Sanadkii
2019 Dalka Shiinaha ayaa waxaa laga helay Caabuq Cusub oo dadka ku keena Xanuun
aad u faafa.
Caabuqan cusub ayaa loo bixiyay magaca Corona Virus ama COVID-19
oo ah sanadka 2019 dhammaadkiisa in la ogaaday.
Kiisas la xiriira Caabuqan COVID-19 ayaa ku fiday dalal aad u tiro badan oo ay kamid yihiin Ameerika, Dalal badan oo Yurubta ka tirsan ayadoona maalmihii ugu dambeeyay uu soo gaaray Afrika gaar ahaan wadamada Nigeria, Ethiopia, Rwanda, Kenya iyo 4 kiisas kale oo xanuunkan looga shakisan yahay oo laga helay dalkeena Soomaaliya.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo hay’ado kale ayaa indhaha ku hayaa Xawaaraha faafidda baahsan ee uu xanuunkan ku socdo. Waxay sidoo kale ay had iyo jeer soo saaraan macluumaadka Corona Virus oo ay ku baahinayaan ilo wareedyada adduunka oo ay baraha bulshadana qayb ka yihiin. Hay’adahan ayaa sidoo kale soo saaray tallooyin la xiriira sida looga hortago loona daweeyo xanuunkan.

Calaadamaha Lagu Garto
Calaamadaha ama tilmaamaha lagu garto COVID-19 waxay soo
muuqanayaan 2 ilaa 14 Maalmood kadib marka uu qofku qaado. Calaamadihiisa waxaa kamid ah:
Xanuunka Caabuqa Corona ayaa la moodaa mararka qaar inuu waxba kaga duwanayn Hargabka caadiga ah.
- Qandho
- Qufac
- Neefta oo yaraata ama Neefsashada oo qofka dhibta.
Xanuunka Caabuqa Corona ayaa la moodaa mararka qaar inuu waxba kaga duwanayn Hargabka caadiga ah.
Xilliga Ku Haboon inaad Dhakhtar u tagto
La xiriir goobaha caafimaadka ama dhakhtarkaaga durba marka aad
isku aragto calaamadaha Caabuqa COVID-19 ama marka dadka kuu dhow laga helo caabuqan.
U sheeg dhakhtarkaaga haddii xilli dhow aad safar ku tagtay dalalka uu
saameeyay xanuunkan. Dhakhtarka intaadan gaarin usii sheeg oo sii war geli si
goobta aad tageyso laguugu diyaariyo dadka kalena laga fogeeyo.
Maxaa Sababa
Ilaa iyo hadda si sax ah looma oga sida uu ugu soo gudbay bani’aadanka.
Waxaa ogaaday keliya sida ay dadka isugu gudbiyaan inay kamid tahay marka ay isu
dhowaadaan ama is taabtaan. Waxaa loo badinayaa in hindhisada qofka xanuunka
qaba kasoo baxda u gudbiso qof kale ee fayow.
Halista
Halista in qofku qaado caabuqan ayaa ku imaan karta:
- Inaad mardhow u socdaashay amaba aad ku nooshahay deegaan oo ku faafayo cudurka COVID-19
- Inaad la macaamishay ama aad u dhowaatay qof uu xanuunka saameeyay, sida qof ehelkaaga kamid ah ama asxaabtaada.
Ka Hortagga
Maadaama aysan jirin talaal loogaga hortagayo inuu qofka qaado
Caabuqan Coronavirus, waxaad qaadi kartaa tallaabooyin aad ku yareyn karto
halisaha in uu ku soo gaaro caabuqa. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo
Xarunta Ka hortagga Cudurada ee Ameerika CDC ayaa ku taliyay tallaabooyinka soo
socda si looga hortago khatarta cudurkan, waxaana kamid ah:
- In gacmaha lagu meyro Biyo ito Saabuun ama Jeermis dileyaasha ay aalkulada ku jirto
- Inaad gacantaada ku daboosho Afka iyo Sanka marka aad qufaceyso ama hindhisooto.
- Ka fogow taabashada Indhaha, Sanka iyo Afka marka ay gacmahaagu nadiif ahayn
- Ka fogow qofwalba oo xanuunsanaya
- Haddii aad xanuunsan tahay Dadka kale hala wadaagin Alaabaha la isticmaalo sida Ookiyaalaha, maacuunta, jiifka iyo alaabaha guryaha
- Nadiifi meelaha ay marwalba gacmahaagu taabanayaan
- Gurigaaga haka bixin hana aadin goob shaqo, waxbarasho iyo meelaha ay dadku isugu imaanayaan
WHO ayaa sidoo kale ku talisay:
- In laga fogaado cunista hilibka ceyriin ama aan si fiican loo Karin
- In laga fogaado taabashada xayawaanada nool
Safarada
Hadii aad qorsheyneyso inaad aado safar dibadda ah, marka hore
iska hubi mareegaha websiteyada WHO iyo CDC si aad u hesho macluumaadkii u
dambeeyay. Sidoo kale raadso talo caafimaad si laguu siiyo warbixinada
caafimaad ee meesha aad u safreyso.
Maxaa Nala Gudboon Soomaali Ahaan?
Muwaadinkasta oo Soomaali ah waajib ayaa ka saaran inuu qayb ka qaato wacyigelinta bulshada uu la nool yahay. Fadlan Walaal la wadaag asxaabtaada oo qayb ka noqo dadaalada lagu wacyigelinayo bulshada.
Fadlan qaybta hoose ee faalooyinka ku soo gudbi wixii talo ama tusaale ah ee aad isleedahay tallaabooyinka la gudboon Dowladda iyo Shacabka inay qaadaan si looga hortago halista daran ee Xanuunkan Caabuqa Corona?
Waxaa Qoray Macalin Ifiye