Caafimaafku waa hodontinimo waayo la’aantiisa ma dhaqdhaqaaqi karno, ma shaqeysan karno hantina ma samaysan karno. Caafimaad la’aan ma awoodi karno inaan nolosheena waxyaabaha ay hiigsaneyso gaarno.
Caafimaadku sidoo kale wuxuu ilaaliyaa hantideena maadaama hadii aan xanuunsano kharash dhaqaale nooga bixi lahaa inaan is daweyno.
Waxaan halkan idinkugu soo gudbinayaa 10 Talo oo Kaa caawinaya inaad nolo caafimaad Leh ku noolaato:
1. Marka Gaajeysan Tahay keliya Raashiin Cun
Waxaa wanaagsan inaad raashiin cunto keliya xilliga aad gaajeysan tahay.
2. Seexo Marka Aad hurdo Iska Dareento
Nin oday ah ayaa la weydiiyay hurdo midee ugu wanaagsan, wuxuuna ku jawaabay midda aad seexato markii ay hurdo ku hayso. Waxaa wanaagsan inaan seexano marka ay hurdo na qabato. Caafimaadka waxaa qayb wayn ka qaata hadba sida uu jirkeenu nasiino u haysto. Hurdadu waxay kamid tahay waxyaabaha jirka nasiinada siiya.
3. Markii Aad Musqul u baahato Haka daahin
Marka uu jirkaaga u baahdo inuu qashinka iska saaro sida saxaro ama kaadi haka daahin suuliga.
4. Naso Marka Aad Daasho
Naftaada ha ciqaabin. Marka aad daal dareento oo aad shaqo badan qabato waqti aad ku nasato sameyso
5. Jirdhis Sameey
waxaa wanaagsan inaad waqti u sameysato jirdhis. Jimicsigu wuxuu caawiyaa caafimaadka. Marwalba xusuuso halheyskii ahaa jir caafimaad qaba ayaa leh maskax leh maskax caafimaad leh.
7. Ka Fogow Cunooyinka Qasacadeysan.
Cunooyinka fudud iyo kuwo qasacadeysan waxay u daran yihiin caafimaadka. Ka fogow inta karaankaaga ah inaad isticmaasho cuntooyinka qasacadeysan.
8. Iska yaree Isticmaalka Mobeelka iyo Computerka.
Noloshaada oo dhan haku qaadan isticmaalka aaladaha internetka sida moobeelka iyo computerka. Waxaa wanaagsan inaad waqti u sameysato isticmaalka aalaha kana nasato marka ay indhahaaga iyo jirkaaguba ka daalaan.
9. Farxadda iyo Murugada
Jirkaagu waa inuu nafisaa. Markaa aad farxad dareemeyso waa inaa qososhaa sidoo kale markaad murugo dareemeysana waa inaad shucuurtaada muujisaa.
10. Xasilooni Ku Noolow
Dadka khalad kaa gala iska cafi kana fogow inaad cuqdad qof kale u hayso.
WQ Nasriina
0 Comments