Header Ads Widget

Responsive Advertisement

News Ticker

3/random/ticker-posts

3-da Tiir ee Lafdhabarta u ah Xiriir Jacayl oo Caafimaad Qaba



Intii ay nolosheyda jirtay, anigoo ah khabiir ku xeeldheer dabeecadaha baniadaamka shahaado Ph.D-na ku qaatay cimunafsiga, waxaa ii yimid dad aad u tiro badan oo rabay inaan talo ka siiyo Xiriirka Lamaanayaasha. 



Inkastoo xiriir walba uu yahay mid dabeecadiisu u gaar tahay, Waxaan haddana ka bartay inay jiraan seddex tiir oo udub dhexaad u ah Xiriir jacayl oo badqaba. 

Waxaan halkan ku faaqidi doonaa seddexda tiir ee asaaska u ah 

1. Jacayl


Tiirka koowaad waa jacaylka aad u qabto lamaanahaaga iyo midka adiga naftaada u qabtid. 

Kahor intaadan u guda gelin xiriir caafimaad qaba, waa inaad marka hore ogaataa shakhsiyadaada, inaad aqoonsato jacaylka lamaanahaaga kadibna aad u hamuun qabto inaad isku xiriiriso qaf kale oo aadan ka warqabin nooca dabeecadiisa 

Tusaale, waxaa dhici karta in ay kusoo jiidato qof xun laakiin jacayl dhaba ku qaba durba waxaa maskaxda kugu soo degeysa inuusan kugu habboonayn. 

2. Wadahadal

Dabcan wadahalku wuxuu asaas u yahay islamarkaana si wanaagsan uga dhici karaa marka la helo jawi isufurnaan iyo isfaham.Wadahadalka wanaagsan wuxuu fursan idin siinaya adiga iyo lamaanahaaga waqti aad isugu muujisaan shucuurtiina iyo dareenkiina. 

Waxaa sidoo kale muhiim ah in si degganaan leh laisu dhegeysto, kadibna su’aalo lais weydiiyo wixii maanka kasoo guuxa, waa inaad qofka u muujiso inaad daneyneyso aragtidiisa iyo fikradihiisuba. 

Xiriirka caadimaadka qaba wuxuu ku bilowdaa daacadnimo iyo inaan waxba lakala qarsan. Marka uu isfahanwaa ama mushkilad idinla soo deristo waa in isla durbadiiba la xalliyaa. Hala sugin waqti ama maalin kale. 

Sidaas darteed waxaa wanaagsan in waqti loo asteeyo sidii lagu xallin lahaa madmadowga soo ifbaxay. Waqtigaas waa inuu ahaa xilli adiga iyo lamaanahaaguba aad xasiloon tihiin carro iyo wax lamid ahna ay qalbiga ka buuxin. Waa inaad maskaxda ku haysaa inuu markasta isfahnwaa dhici karo kadibna la xaliyo. Waxa ugu muhiimsan marxaladdan waa inaad xusuusnaato in qofkan uu yahay ruux aad qadarin u hayso. Wadahadalkuna waa inuu qotomaa jawiga ah qof aad jeceshahay inaad la hadlayso ugana baahan tahay si lamid inuu kobco jacaylka dhanka kale. 

Tusaale markaad warqad jacayl ah u qoreyso marka hore waa inaad ka soo bilowdaa inaad muujiso jacaylka dhankaaga aad u qabto, kadibna aad u gudubtaa tabashooyinkaaga ugu dambeyna kusoo gunaanadaa ereyo dareen jacayl ah xambaarsan. Xitaa marka lamaanaagu akhrisanayo warqadaas waxay noqon kartaa adigoo la jooga gacantana haysta. Adigoo tabashooyin u gudbiyay ayaad weli sii dareensiinaysaa kalgacaylka aad u hayso. 

3. Isu-Dheelitirnaan

Xiriirka caafimaadka qaba waa mid isu dheellitiran. Inkastoo ay muhiimad leedahay inaad sameysataan waqtiyo aad isu keli ahaataan, waxaa isla sidaas muhiimad leh inaad inaad waqti siiso asxaabtaada, dadka aad shaqo wadaagga tihiin iyo qaraabadaadaba. Waana midaas sababta ay muhiim u tahay inay laisku dheellitiro noloshaada iyo jacaylkaagaba. 

Sidaas markaad samayso waxaa meesha ka baxaya eedaha la xiriira waxaan kaaga soo go’ay asxaabteyda ama ehelkeyga. Xiriirka cusub ee bilowday waa inuu la kowsadaa amuuraha nolosha ee qofwalba u gaarka ah markaas si wadajir ah ayaad uga miro dhalin kartaan xiriirkiina jacayl kuna soconaya jawi iyo xaalad laisu uur fayow yahay. 

WQ: Nasriina


Post a Comment

0 Comments