Marxalladda ay da’yartu ku maraan korriimada iyo horumarka islamarkaana la soo baxayno xidido ku fidaya caro aan salkeedu fadhin oo saansaanta noloshana ay noqoneyso mid aan la saadaalin Karin mid togan amaba taban.
Sidoo
kale waa marxalad qeexeysa dhabaha xirfadeed ee aan qaadi lahayn. Sidaas darteed
waa inaan la khasaarin marxaladaas culeyskeeda iyo miisaankeeda leh, haddii
lagu cayaarana cawaaqib ku keeni doonta mustaqbalka.
Maqaalkan
waxaan hoosta kaga xariiqi doonaa qaar kamid ah khaladaadka ay dhallinyaradu
galaan iyo sidii ay ugaga feejignaan karaan. Aan duducda usii dhaadhaaco.
1. Dhallinyaradu Waxay Dhaqaalahooda ku
bixiyaan waxyaabo aan muhiim ahayn.
Tani
waxay kamid tahay arrimaha ugu waawayn khaladaadka ay dhallinyaradu sameeyaan. Inta
badan waxay jecel yihiin inay tamashleeyaan, kuna raaxeystaan nolosha isna
tusiyaan asaaggood. Waxay ku deydaan kuwo ayaga la fac ah una tafaxeytaan inay
sidooda oo kale u noolaadaan. Labidka casriga ah, gaari cad iyo waxyaabo faan u
badan ayay ku xoolo beelaan.
Waxba
kuma jabna in labis casri ah la qaato ama telefoonadii ugu dambeeyay la
iibsado, laakiin waxaasi oo dhan ma noqon doonaan kuwo mustaqbalka faaiido u
leh. Ka dhallinyaro ahaan ujeedkaaga iyo hiigsigaaga waa inay ku qotomaan sidii
ay u samaysan lahayd keyd dhaqaale. Waxaa markaas habboon inaad barato sidii
aad keyd u dhigan lahayd adigoo maalgashi caqli ku dhisan samaynaya.
Waad
yeelan kartaa waxwalba aad ku hamiso, laakiin waa inay ahaataa mar aad heer
isgaarsiisay. Waxaa arrintan marag u ah kuwa noloshooda heer gaarsiiyay lacago
badana shaqeystay.
Waxba
haku dayan saaxiib am acid kale, markaad dhaqaale ahaan isku filnaasho gaarto
waxwalba waad samaysan kartaa. Nuxurku waa inaad garataa waxa hadda kuu muhiim
ah, baahidaadana ay mudnaan kuu kala lahaataao.
2. Dhallinyaradu Waxay U maleeyaan
haddiiba Wax La barto in la taajirayao.
Tani
waa arrin dhab ah laakiin kuwo badan oo dhallinyarada kamid ah Ayaan rumeysnayn.
Laga yaabee inaysan ku khaldanayn amaba laga yaabee in eeddu u wareegato
hannaankeena waxbarasho. Waxbarasho keliya kuuma suuragelin karto inaad hesho
hantida aad maanka ku hayso. Sidoo kale dugsiyada nalaguma soo barin sidii aan
taajir ku noqon lahayn. Waa inaan garwaaqsanno in waxbarashada dhabta ahi ay ka
bilaabato marka aan ka soo baxno xeyndaabyada Dusgiyada ama jaamacadaha. Waxbarashadu
waa Hannaan meerto ah, Maalinwalba nolosha waxay ina bartaa duruus cusub.
Waxbarashada
dhabta ahi waa ay ka duwan tahay mida jaamacadaha. Dadka nolosha ku guuleysta
waa kuwa sii wata waxbarashadooda xitaa haddii ay 10 sano ka soo wareegato
waqtigii ay dugsiyada ama jaamacadaha ka soo baxeen. Waxaa nasiib darro ah inta
badan dhallinyaradu ay iska iloowaan imay sii wataan waxbarashada Kadin maalinta
ay ka qalin jebiyaan iskuul/jaamacadda, taasoo u horseedda faqri, jahwareer iyo
inaysan u rumoobin riyooyinkooda nolosha.
Waxaa
wanaagsan inaad akhrisato buugaag kala duwan, inaad duruus dheeri ah ka qaadato
aaladda Internetka ama dad kale aad wax ka barato. Waa inaad ogaataa in
waxwalba aad ku hamineyso inaad gaarto waxaa jira dad kaaga horeeyay oo heerkaas
hore usoo maray, dadkaas waa inaad wax ka barato. Waa inaad iska dhistaa
dhanwalba oo nolosha ah si aad horumar u gaarto.
3. Dhallinyaradu Waa Kuwo Si Fudud Isku
Dhiiba
Dhallinyaradu
inta badan waxay la soo baxaan dabeecadda ah inay si fufu isku dhiibaan.
Isdhiibaddu waa dilaaga rajada. Adkeysiguna waa rajada guusha. Qofna hal habeen
qura kuma taajirin. Dadka nolosha ku guuleystay waxay soo mareen heerar kala
duwan oo culeysyo iyo dhibaatooyinba lahaa, taasina waxay u suura gelisay inay
hantaan guusha nolosha.
Nasiib
darro dhallinyaro badan waxay ku fashilmaan inay sameeyaan ujeeddo ay
hiigsadaan, waxayna isku dayaan inay si dhakhsi ah guul uga gaaraan nolosha,
isku deygaas wuxuu ku keenaa tallaabooyin aan wanaagsanayn oo laga yaabo inay
noloshooda ku galaafadaan. Tusaale haddii aan usoo qaato immisa dhallinyaro ah
ayaa badda ku aafoobay ama naftooda ugu haligay? Ma gaareen rajadooda nolosha?
Waxaan
habboo inaad ku socoto dhabo aad jeexatay islamarkaana u gegsato cawaaqib kasta
oo kusoo waajahda, waxaa hubaal ah in ugu dambeyn aad guushaada gaari doonto.
4. Dhallinyaradu Waa Kuwo Iska Rumeysta
Waxwalba oo ay Maqlaan
Waa
inaan isla qirnaa inaysan noloshu ku jirin wadiiqo iska fudud ama sahlan. Dhallinyaradu
waa kuwo u nuqul in la khaldo, waxay si fudud u aaminaan wixii ay maqlaan amaba
looga sheekeeyo. Dhallinyarada waxaa ka
buuxa fikrado iyo maskax heerkeedu sareeyo, sidaasoo ay tahay waxaa si fudud
afkaartooda ku bedeli kara dadka ayaga ka waawayn. Dhallinyaranimadu waa inay
ahaataa marxalad waxbarasho. Waxwalba oo marxaladaas kula soo gudboonaato waxay
kuu noqon doonaan khibrado mustaqbalka duruus kuu noqonaya.
5. Dhallinyaradu Waa Kuwo Maalgashi
Ku Sameeya ayagoon Baaris Cilmiyeed Samayn.
Mararka
qaar dhallinyaradu waxay ku dhacaan waxyaabo aysan fikrad, war iyo wacaalba
haba yaraatee toona u lahayn. Waxayna taasi u sameeyaan ayagoo ku dayana
jaalkooda kale iyo asxaabtooda uu horumar ka sameeyay afkaaro kale. Waxay Ku
Guul darreystaan inay waqti iyo juhdi badan geliyaan si ay faham buuxa uga
helaan tallaabooyinka ay qaadayaan.Waa inaad is weydiisaa su’aalahan: Maxaad
Adigu Rabtaa? Maxaad Ku dooratay ama kugu kallifay? Sidee ayaad Ku Gaari Karta
Waxa aad hiigsaneyso?
Marka
aad jawaabo waafi ah u hesho su’aalahan ayaa waxwalba kuu noqonayaan kuwo kuu
hagaagay xalna aad u heleyso mas’alooyinka kaaga baahan inaad maareyso.
Ka
dhallinyaro ahaan-Wiil ama Gabar- Waxwalba aad waqti iyo dhaqaale ku
maalgelineyso, waa inaad u hurtaa waqti iyo juhdi ku bixisaa inaad cilmi baaris
qoto dheer ku sameyso kadibna aad ku howlgasho natiijooyinkoo kaaga soo baxay
baaristaada cilmiyeed.
Soomaalida
waxay ku maahmaahdaa Geedkii Orod Lagu Fuulo Orod Ayaa Looga Soo Degaa, taasoo
micneheedu yahay in waxwalba u baahan yihiin ka baaraan degid kahor inta aan
lagu dhaqaaqin. Hadii kale Natiijada kaaga soo baxaysaa waxay ku dhammaan
doontaa guuldarro iyo fashil.
Inaad
Asxaabtaada Lasii wadaagtaa Waxba Kaama Dhibeyso anagana Waxay Inoo Tahay
Dhiirigelin.
WQ: Nasra Siman
0 Comments