Daljirkii La Dulmiyay, Waa Sheeko Ku Saabsan Wariye Samafale Cabdimaalik Coldoon. Fadlan akhri oo walaalahaana la sii wadaag.
Cabdi maalik muuse Coldoon waa weriye Sama-fale ah, kaasoo codkiisu ku caawin jiray dadka dan-yarta ah, wuxuu dhaqaale u uruuin jiray dad la daalaa-dhacaya dhibaatooyinka nolosha iyo kuwo xanuun-san, Qaar nolosha ka quustay ayuu noloshooda wax badan ka badalay , qaar dhimirka la'aa oo silsilado ku xidhan ayuu guryo u dhisay, qaar la dulmiyey oo xabsiyo ku xidhan ayuu codkooda caalamka gaarsiiyey.
Qofka intaas oo wanaag ah bulshada u qabtay waxaa loogu abaal guday xabsi joogto ah, iyo eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn!
Cabdi maalik Muuse waxaa la xidhay tiro Afar jeer ah:
1- 18 janayo 2016
Sababta lagu xidhay waxaa la sheegaa inay ahayd wareysi uu ka qaaday nin Oromo ah oo ay dowladdu ku eedeeysay inuu gabadh yar qashay, Arintaa ayuu baaray wuxuu la kulmay qoyskii gabdha laga qayshay iyo markhaatiyo kale, xiligaa waxaa burco iyo magaalooyinka kale ee somaliland aad u buux dhaafiyey Dad oromo ah oo ka soo cararay dhibaatooyinkii ay Tigreega iyo amxaaradu ku hayeen, waxayna dowladdu ku cadaadinaysay somaliland in been abuuro la sameeyo si dib loo soo celiyo Oromada baxsadka ah, Cabdi maalik waxaa dib loo sii daayey 26 janaayo 2016 wuxuu xirnaa muddo 8 beri ah
2- 15 february 2017
Eedeymaha la sheegay in loo Cuskaday xadhigiisa waxay ahaayeen inuu taageeray Maxamed cabdulaahi farmaajo, iyo inuu magaalada muqdisho tagay , waxaa dib loo sii daayey 25 may 2017 wuxuuna xidhnaa muddo ( 100 maalin) ah
3- 18 janayo 2019
Sababta loo xidhayna waxay ahayd Coldoon oo ku guda jiray xog uruurin xasuuqii ay ciidamada Liyu polis iyo amxaaradu ka geysteen degmada gaashaamo. Waxaa xabsiga laga sii daayey 21 janaayo 2019 wuxuu xidhnaa (3 maalin)
4- 18 april 2019- (400)
Eedaymaha lagu xidhay waxaa lagu sheegay inuu ku xadgudbay jiritaanka somaliland , iyo inuu sheegay in dugsiga Abaarso lagu dhigo casharo ashax xumo ah. Ilaa iyo hadda wuxuu xidhan yahay muddo (400 oo maalmood) ah.
Guud ahaan Muddada uu Coldoon noloshiisa xabsi ku qaataywaa (511 Maalmood) waxay u dhigantaa ku dhawaad sanad iyo badh.
Qalinkii: Mustaf Awil Hassan
0 Comments