Waxaa jira Calaamado gaar ah oo ay dareento gabadha marka ugu horreeya ee uur qaado. Qormadan ayaan kusoo qaadan doonnaa qaar ka mid ah calaamadaha ugu waa wayn ee lagu garto in ay gabadhu uur qaaday.
1- USBUUCA 1aad ilaa 4aad.
Marka aad uur leedahay waxa aad isku arkeysaa xanuunno yar yar oo wareegga ah iyo dhibco yar yar oo dhiig ah oo qeybaha hoose ka yimaadda.
2- USBUUCA 4aad.
Asbuucan 4aad oo aad Sugeysay Caadada, waad weyn doontaa Caadada, haddii aad Uur qaaday.
3- USBUUCA 4aad ilaa 6aad.
Waxaad dareemeysaa Daal aad u faro badan,
Lalabo, Matag, Dibiro, Kaadi badan oo ku Xanuujineysa iyo sidoo kale ibta Naasaha oo ku Xanuunta.
4- USBUUCA 6aad.
Dabeecadaada oo isbeddwsha iyo Heer kulka Jirkaaga oo Ziyaada.
5- USBUUCA 8aad.
Waxaa siyaadaya Cadaadiska Dhiiggaaga.
6- USBUUCA 9aad
Waxaad dareemeysaa Daal faro badan iyo iyo Laab-jeex.
7- USBUUCA 10aad
Wadno garaac Zaa'id ah ayaa kugu soo kordhaaya.
8- USBUUCA 11aad
Waxaad isku arkeysaa Naaska iyo ibtiisa oo isbeddesha, Faruurac ama Nabro Wejiga ka soo yaaca iyo Miisaankaada oo ziyaada.
9- USBUUCA 12aad
Asbuucaan toos ayaad uga dareemeysaa Calooshaada in aad Uur leedahay marka aad kor ka eegto iyadoo xitaa aad isku arkeyso markaas Calaamadihii Walaca.
Waxaa Qoray :- Macoow Ustaad
0 Comments