Bilowgii Barashadeena waxaad aheyd Qof Wejigiisa Wanaag ka soo ifaayo oo Afkiisuna aan aqoon Hadal Xun iyo Caro midna, Kulaylna aan laga arkeyn. Waxaad Nafteyda ku abuurtay Rajo iyo yididiilo aad igaga Kasbatay Wanaagaaga iyo Waxtarkaaga. Waxeynu ahayn Laba Ruux oo isku Beer Nugul oo Kalgacal isku Marxabeysiiya iyo Qof nafteyda ku sasaba Wanaag iyo Jacayl.
Waxaad igu Haasaawin jirtay Sheekooyin xiiso badan i geliya oo aad iigu sawiri jirtay quruxda uu yeeanaayo Mustaqbalkeena iyo Farxada aad i siin doontid oo Neecawda ka soo hooreysa ay Naftu ku xasileyso.
Umaan baahan jirin cid kale oo aan Adiga aheyn, waayo adigaa Wehelkayga ahaa oo iga warhayn jiray, waxaad igu waanin jirtay in daqiiqad kasta aynu wada qaadano inuu waagu berin jirey sida aan u wada qoslayno, sidoo kale uu dhici jiray gabalka anaga oo aan kala daalin kala dhergin. Waxaad ii ahayd salaanka aan ku Fuulo gidaar kasta. Sidaad iigu faraxsan tahay ayaan ugu Faani jiray Haweenka Qeyrkeyga ah, sidaad Nafta iila qeybsato ee aan cidna inoogu dhaxeyn ayey la wada dhacsanaayeen Asxaabtaydu ee aynu wax walbana u Wadaagno. Dib waxay dadku iiga joogsan jireen markay arkaan ag joogaaga. Jacayl iyo Kalsooni badan ayaad igu habtay, waad ii dulqaadatay oo i Daryeeshay.
Waxaan go'aansaday inaan kuu soo Guuro oo Gogol iyo Guri kula wadaago, Filashadayda kumay jirin inaan isa seegi doono marnaba, Maankeyga miyaan geliyey ruuxaad Hanatay ee Naftaada Qur-quriyey ayaad baafin doontaa!.
Jacaylkii bari samaadkii, Bishaarada iigu yeeray,
Bilkhayr baan ugu jawaabay, Yarkii boga ii fadhiistay,
Yarkii beerkayga saaqay, yarkii bogga ii Salaaxay,
inaan uu Baraarugeynin, markuu ka Bogtuu ogaaday,
haduu Badda iigu jiiday, inuu Bohol ii qodaayay,
adaa Boqoroow ogaaye.
Dheesha iyo Ciyaarihii markey Laba dhaceen ee Faraxada illaahey ina siiyey iyo wixii ugu Qaalisanaa oo Ubad ah ee aan Gudoon kuu dhalay Curadii, Shaadaligii iyo Alla barigii Ducadu meel kasta wada gaartay, waxaan tabay wax walboon heystay oo aad i siin jirtay. Duruufaha Noloshu inay ku heystaan baan kuugu Dulqaadan jiray oo waan kula qeybsan jiray, laakiin Nuyadaydu marnaba imy siin Wejigan cusub ee Damaqa iyo Xanuunka u keenay Nafteyda.
Markii aad ogaatay inaad i hanatay ee aad hubsatay in aan kaa maarmi Karin kuuna baahanahay ayaad wax kasta iga jartay. Xanuunka i hayaa waa in aanay marnaba soo noqoneyn wixii hore, waxaad jebisay Niyadii shalay kugu Hanwaynayd! Jawaab uma helo Su'aalaha dadka. Ma garanaayo waxaad ii tuurtay Maanta, laakiin waxaan ku gabo gabeeyay inaan Qalad ka galay Nafteyda goortaan ku Guursaday. Ruuxii ku aaminay Abaalkiisi wuxuu noqday inuu ragaaga daydayo oo aad awoodi waydo inaad hadalka deeqsiiso, Xiisahii beenta ahaa iyo Lug gooyadii Leef oo ha Liqin maantaan hayaa Natiijadeedii. Waxaan ahay mid Doontii Bad wayn kula degtay, mid uu qaaday Daad iyo Duufaan oo aan heyn Ciirsi.
Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.
0 Comments