Header Ads Widget

Responsive Advertisement

News Ticker

3/random/ticker-posts

Maqaal Dhaxal Reeb U Ah Taariikhda Soomaaliya


Waxaan aqriyay qoraal uu sirdoonka Mareykanka ka qoray booqasho laba maalmood ah oo uu Muqdisho ku yimid safiirkii Mareykanka ee Itoobiya u joogay Amb Don C. Bliss Bishii Oktoobar 9, Sannadkii 1957-kii. 


Safiir Bliss wuxuu kulamo kala duwan la qaatay Ra'iisal wasaare Cabdullaahi Ciise, wasiirkiisa maaliyadda Xaaji Faarax Cali Cumar, maamulihii Talyaaniga ahaa ee Soomaaliya markaas xukumayay Enrico Anzilotti, iyo Guddoomiyahii Baarlamaanka Aadan Cabdulle Cusmaan. 

Waxaa doodaha ugu adag ay dhex marayaan RW Cabdullaahi Ciise, iyo Safiir Bliss. Wuxuu kala hadlayaa cabsi uu ka qabo in uusan Maraykanku doonayn in Soomaaliya ay xurriyad hesho, kana doorbidayo in Itoobiya lagu daro. Safiir Bliss wuu beeninayaa eedeyntaas, wuxuuna u sheegayaa RW Ciise in Maraykanka uu taageersan yahay Soomaaliya madax bannaan. 

Ra'iisal wasaare Cabdullaahi Ciise ayaa safiir Bliss doodda ku adkaynaya, wuxuuna dalbanayaa in haddii wuxuu sheegayo ay dhab ka yihiin in Maraykanka uu Soomaaliya ka saacido qalabaynta iyo dhismaha ciidamada, calaamadaynta xudduudda Itoobiya iyo Soomaaliya, taageeridda Soomaaliweyn, oo ay ku jirto British Somaliland. 

Safiir Bliss waxaa welwel xooggan ku haya qofka noqon doonna madaxweynaha Soomaaliyada xurta ah. Wuxuu danaynayaa qof danahooda fahmi kara, kursi iyo jago jecel, siyaasi ah dantiis yaqaan ah, kaas oo aqbali kara in Itoobiya iyo Kenya la nabad geliyo. 

"Ka waran damacaaga, ma noqon doontaa madaxweyne?" ayuu Bliss weydiinayaa RW Cabdullaahi. 

RW Ciise wuxuu ku jawaabaya, "waxaan metelaa Xisbiga SYL oo la aasaasay dhowr iyo toban sano ka hor. 13 qof baa aasaastay, badankooda waa nool yihiin, midna ma noqon RW, ama Guddoomiye Baarlamaan, xitaa ka mid ma aha 6-dayda wasiir. Dalkaan waan u shaqaynaa, waxaan nahay dad leh dhaqan dimuqraadiyad, Dastuur iyo sharci baan qoran doonnaa, baarlamaan baan yeelan doonnaa, qofkii ay shacabku rabaan ayagaa dooran doonna". 

Safiir Bliss oo raba in uu weli soo saaro damaca siyaasiga ah ee RW Cabdullaahi Ciise ayaa weydiinaya, "waxaan maqlay in dowladda UK ay rabto in Soomaaliweyn ay taageerto, adigana ay kaa dhigto madaxweyne, si aad maalinta aad xur noqotaan ugu wada biirtaan Common Wealth (Barwaaqo Sooranka) bal ka waran". 

Wuxuuna ku jawaabay Darajo iyo xil arrin quseysa weli cid aan kala hadlay ma jiraan, waxa keliya ee hadda inoo muhiimka ahi waa xuriyadaas. 

Safiir Bliss in kastoo uu la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) haddana mamuus uun bay ahayd, ee dooda adag ma dhex marin. 

In kasta oo uu RW Cabdullaahi Ciise heystay fursad uu ku hannan karo taageerada quwadaha adduunka, si uu u noqdo madaxweynaha Soomaaliya oo xur ah, haddana wuxuu ahaa "waddani" danno shaqsiyadeed ka doortay inuu xurriyadda xoogga saaro. Xurriyaddii kaddib, RW Cabdullaahi Ciise, xil sare sida RW ama madaxweyne ma qaban. 

Waxaa madaxweyne noqday Aadan Cadde, asaguna waxaa la sheegaa in qodob Dastuuri ah oo da'da ah looga reebay tartanka( 38 jir ayuu ahaa, wuxuuna buuxin waayay shuruuda 40-kasanno) haddana weli wuxuu ku qancay inuu noqdo Wasiir. 

Aadan Cadde, oo noqday madaxweyne, wuxuu ku qancay guuldaradii uu kala kulmay doorashadii 6 Luulyo 1967; xilkana si nabad ah buu ku wareejiyay. 

SYL qaladeedkeeda way lahayd xisbi ahaan, laakiin muwaaddiniin damiir leh baa ku jiray. Waxay muwaaddiniinta warkooda nooga tageen taariikh dahabi ah oo dhaqanka dimuqraadiga ah ka hor inta aanan la noo soo waaridin dhaqanka keli taliska. Xitaa dhaqankeena beelaha iyo xeerarka waa mid ku salaysan dimuqraadiyad. 

Waa waxa aan kaga duwan nahay Afrika badankeeda. U fiirso raggii la midka ahaa RW Cabdullaahi Ciise ee xurriyadda dalalkooda hormuud u ahaa: Jomo Kenyatta, Julius Nyerere, Robert Mugabe, Kwame Nkurumah, Xasan Guuleed Abtidoon - badankooda waxay ka siman yihiin in ay ayagu madaxweyne noqdeen xurriyadda kaddib, ayna xilka isku sii dhejiyeen illaa ay ka dhintaan, ama si fool xun loo af gembiyo. 

Soomaaliya waxaa soo maray casri dahabi ah, dhaqan siyaasadeed wannaagsan oo ay muhiim tahay in muwaaddin walba oo Soomaali ah, uu u dagaalamo sidii loo xoojin lahaa, loona casriyeyn lahaa! 

Soo ma lihin dhaxal mudan in la dhowro, oo aan asaaggeena kaga horeynay?Waxaa Qoray Hassan Hosow

Post a Comment

0 Comments