Header Ads Widget

Responsive Advertisement

News Ticker

3/random/ticker-posts

Gabdhuhu Waa Naxariis uu Eebe ina Siiyay

 


Maqaalkan Waxa aan kaga hadli doonnaa naxariista ay gabdhuhu u leeyihiin waalidka iyo qoyskeeda, waxaana kusoo qaadan doona sheeko si xikmadeysan loo soo tabiyay. 

Nin ayaa la weydiyay:- Ma Jaceshahay iney Gabar kuu Dhalato?, Wuxuu yiri:- Hadduu illaahey Gabadha i siiyo waxaan heystaa Farxad Dhab ah, waayo Markaan Shaqada ka soo laabto, Waxey dhahdaa:- (Aabaa Imaaday, Hooyo Aabaa Imaaday). Waxey ku soo Boodaa Dhabtaada Adigoo ka War heyin, iyo iyadoo iga Codsan.

Markaan Subaxdi Hurdada ku Daaho, Xiliga Indhaha kala Furo, waxaan arkayaa iyada oo madaxyga ag taagan oo oynayso ama iyada oo faraxsan oo war ii wada.

Qalbigeeda aad ayuu u debecsan yahay, marka ay qof xiriir la wadaageyso amaba ay asxaab dugsiga ku yeelato wwood uma lahan in ay u adkeysato sida nimanka oo kale, waxayna sugeysaa ilaa aan shaqadayda uga soo noqdo, Marka aan guriga imaadana waxay iigaga sheekeysaa dhamaan waxwalba oo qalbigeeda ku jira.

Xitaa Xiliga Cunada Iyo Raashinka, waxaan arkaa iyadoo taagan Miiska Agtiisa, oo leh Aabe kan Cun Aniga sameeyay Maanta, kan waa Dooqeyga Aniga ayaa Kariyay, Aabe sow ma macaana ?.

Maalintay Magaalada aado oo ay soo Iibsato Dhar Cusub, waxey la sugtaa ilaa aan Guriga ka imaado Aniga, Markaan Imaado anigao Qolka Fadhiyo ayay iigu Hambalyeysaa iyadoo faraxsan:- Aabe ka waran Dharkaan ?, sow ma Qurux badna ?, ka aran siduu kula yahay ?.

Waan ugu Tahniyadeeyaa si aan Ra'yigeeda ugu raaco, uguna Sheekeeyaa Quruxda iyo Qiimaha Labiskeeda Cusub ay soo Iibsatay Maalintaas.

Intaa  kadib nin ayaa kuu imaanaya oo kaa soo doonanaya gabadhii qalbigaaga farxaddiisa ahayd, sidoo kale iftiinkii reerka ahayd, wuu wadanayaa weligeedana soo celin maayo.

Akhristoow, Bal ka waran Gabadha sidaas kuu ah ee Iftiinka Indhaaga iyo Nuurka Qalbigaada ah, haddii uu Dhibaateeyo ama uu Nolosheeda dhaafiyo, kii Shalay kaa soo doontay ee aad Adiga siisay?. sidee ayaan isku inagoo dhibaatadaas nagu dhacday?, Run ahaan Ma jirto sabab aan Isku Xakameyno, waayo Gabahuhu waa Jaceylkeena, waa Ruuxdeena, waana Sharaf iyo Karaamadeena.

Haddiiba ay taas dhacdo in aad naga kaxaysato oo aadna aroosto, waxaan ku leeyahay Ina Ragoow (aabe ii ilaali gabaheyda, Ogowna waa qalbigayga waxa aan ku siiyey, Haddaad dhibaateysana ogow in aan kuula imaan doonin maalinkaas cabaad iyo Calaacal, waxa naga dhexetn kara keliya waa feer, haraati iyo Dil.

Gabar guriga ay joogto ayey Farxaddu taalaa, Guriga laga Sharfo ayaa Sharf leh, Guriga laga Dhibaateeyo ayuu Hoog iyo Halaag u Sugnaaday. Alloow noo Xafid Gabdhaheena.

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.

Post a Comment

0 Comments