Qormadan waxay ku saabsan tahay tallooyin qiimo badan oo loogu tala galay in lagu wacyi geliyo laguna ilaaliyo sharafta iyo karaamada gabdhaheena Soomaaliyeed.
1- Nin aadan Aqoon oo Qoys iyo Xigto aheyn, oo aan Gayin, ha
kula kulmin oo balan ha kula dhigan meel ka baxsan Indhaha Dadka, sida Hoygiisa
iyo Hoteelada, waayo ma Ogid halkaasi waxa kaaga horeeyo.
2- Iska Ilaali Inaad Ninkasta iska raacdo Hadaf iyo Hagid
la'aan, taasi waxey Halis ku tahay Naftaada Sharaftaada Iyo Qiimaha Nolashada,
3- Fahamkaaga iyo garashadaaduba haku korodho arrin ama dhacdo
walboo aad maqasho amaba aad aragto, hana kaaga kororodho caqli iyo faham aad u
leedahay arimaha Noocaas ah,
4- Marwalba feejignow skana Ilaali erayga aaminaadda oo yaan
lagugu khiyaamin, Ereygaasi waa mid aad qaali u ah, balse Mararka qaarkoodna
waxa uu kugu ridi karaa dod aadan kasoo laaban karin.
5- Haku Kadsoomin Kalsoonida, kala garo Kalsoonida iyo Kufsiga
joogtada ah ee Gabadhaha ku Dhacdo, Ogoow Kufsiga 90% Inuu Gundhig u yahay
Ereyga igu Kalsoonow ee iigu imooow Hotelka.
6- Qofkaad Xariir iyo Sheeko Wadaag tihiin la kulan, lana
Sheekeyso, balse ka Ilaali Naftaada Sharaftaada Iyo Qiimahaaga Gaarka ah ilaa
uu isaga lahaado.
7- Qofna ma jecla inuu God ku dhaco ama Reerkiisa ku dhacaan,
Adigana iska Ilaali Godka, oo Gabdhaha Walaalaha ahna ka ilaali Godkaas inay ku
Dhacaan.
8- Qofka Muslimka ah God Laba mar lagama wada Qaniino, Adigana
is ilaali oo Cashar ka baro Waayaha Nolasha Iyo Dhacdooyinkii kaa horeeyay
Adiga.
9- Sharaftaada Qof aadan siin ma Xumeyn karo, Qof aadan Aaminin
kuma Qiyaani karo, Qof aadan ku kalsoonaan kuma Kufsan karee Diiwaankaaga Dib u
baar oo iska saar Jil-jileeca iyo Naxariista badan.
10- Ugu Dambeyn Naftaada Adiga ayaa Xor u ah waxaad doonto
samee, balse Naftaada ha u horseedin Murugo, dadkana haka Nixin, Adiga ha is
Qiimo tirin.
La sii wadaag walalaaha ugana faaideey tallooyonka qiimaha badan
Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.
0 Comments