Header Ads Widget

Responsive Advertisement

News Ticker

3/random/ticker-posts

Burburka Qoyska Iyo Saamaynta Uu ku leeyahay Bulshada Qaybta Labaad


Waa Qaybii Labaad Maqaal aanu kaga hadleyno Burburka Qoyska Iyo Saamaynta Uu ku leeyahay Bulshada Qaybta Labaad


Sababta1aad: Xog yari iyo faham la’aanta dadka is guursanaya
Xog yarida dhalinyarada ama dadka is guursanaya guud ahaan waxaa keenaya, arrimaha qoyska ka mid ma aha casharadda lagu dhigo iskuulada iyo jaamacadaha, machadyo si gaar ah loogu barto casharadaasna way yaryihiin amaba ma jiraanba, sidoo kale na waalidiinta ilmaha ugama sheekeeyaan badanaa mawduuca la xiriira arrimaha qoyska iyo faham ku saabsan noloshaas, taas waxay keenaysaa inta badan dadka guursanayaa xog waafi kama haystaan guurka iyo waxa uu xambaarsanyahay, iyo sida loo xaliyo mushkiladaha ka dhasha, hadaba maadama uu san xog iyo faham ku filan ba uu san haysan qof ka guursanayaa lab ama dhadig mid kuu doonaba ha ahaadee, wuxuu samaysanayaa sawir maskexeed nolosha qoyskiisa ah oo aan xaqiiqo ku dhisnayn markaasaa hadhow markii reerkii la dhiso oo mashaakil iyo dhibaato timaado waxaa is khilaafaya sawir maskexeed kii uu haystay iyo nolosha dhabta ah ee qoyska guurka ka dib, waxa uu u arkayaa in mushkiladaha soo noqnoqonaya ee qoyskiisa ay tahay wax ku gooni ah isaga si uu uga nasto mashaakilkaas faraha badana ayuu ku burburinayaa qoyskiisii ama gabadhuba markay ka waydo wixii ay ku riyoonaysay guurka ka hor ayaa waxay dalbaneysaa furriin, kadibna sidaas ayuu qoysku ku burburayaa, sababta ugu wayna waxa ay tahay fahamka iyo xogta oo yar iyo sawir ka khaldan ee uu qofku ka haysto nolosha guurka ama qoyska.

Tusaale: Wiil dhalinyaro ah ayaa raba inuu guursado wuxuu shukaansanayaa gabadh, way is fahmayaan waxay isku waafaqayaan inay iskuursadaan, wiilkan xog ku filan oo arrimaha qoyska iyo sida loo maamulo ah ma haysto, gabadhuna la mid.
Wiilka waxa u sawiran marka uu gabadhan guursado inuu gali doono Janno aduun, oo markuu shaqada ka yimaado gabadhu ay albaabka markay ka furto iyadoo si fiican u labisan ay soo dhoweyn doonto islamarkaana ay kabaha ka bixiso biyo qabow siiso hadalo macaan ku tiraahdo, cuno macaan oo ay u diyaarisay ay siiso iyo wax kasta oo kale oo uu sawiran karo.
Sidoo kale gabadha waxa u sawiran markay guursato in helayso wiil baari ah danaynaya markuu shaqada aado dhawr jeer soo wacaya u sheegaya inuu u xiisay aadna u jecelyahay sidoo kale haddiyado ay xiiseyneyso u keenayo, hadalo aad u macmacaan uu markasta ku dhahayo, markay caajisantahayna uu howsha guriga dhinac kala qabto, iyo wax kasta oo kale oo ay gabadhu sawiran karto.
Iyagoo sidaas ah ayaa la is guursanaa guurkuna sawir ka maskaxdooda ku jiro ma aha, waxa is khilaafaya waxa mid kasta u sawir naa iyo sida ay tahay nolosha dhabta ah ee qoyska waxa laga yaabaa mid kastaaba inuu is yiraahdo waad soo khaldantay noloshii aad sawiranaysay sidaan ma ahayn ee iska fur gabadha, ama ay iyaduba dalbato furiin markay u aragto inaysan helin himiladii ay ka lahayd guurka.

Sababta 2aad: Hinaasaha ama masayrka
Hinaasaha ama masayrka waxa uu ka mid yahay sababaha ugu badan ee ay ku burburaan qoysaska guud ahaan gaar ahaan kuwa soomaalida, Masayrku waa wax jira waa dareen ku beeran qof kastaba rag ama dumar wuxuu yahayba.
Maadaama ilaahay SWT uu raga u baneeyay inay guursan karaan ilaa 4 xaas dumarku dareen ka ugu waynee ay qabaan ayaa ah guur ka kale ee ninku uu la guursan doono, dareenkaas waa wax uu eebe ku uumay wayna ku kala duwan yihiin haweenku qaar waa ku daranyihiin qaar wa iska meel dhexaad qaarna way qabow yihiin waxana keenaya oo ugu waawayn 2 arrimood oo kala ah dabeecadda qof ka uu ilaahay u dhaliyay oo waa sida xanaaqa oo kale dadku way kala xanaaq badan/daran yihin isna wa sidaas oo kale oo waa dabeecad lagu kala duwanyahay, sidoo kale waxa saamayn ku leh bulshada uu ku dhex noolyahay iyo qoyska ay ka timid gabadhu iyo dadka ku xeeran intaba.
Hinaasuhu ama masayr ku waa wax ku beeran aadanaha ka fal celintoodana way kala duwantahay oo gabdhuhu markay masayraan  siyaabo kala duwan ayay uga falcelinyaan, rageena soomaaliyeed qaar badan oo ka mid ahna si aad ah uma fahmaan sida loo xalliyo arintan taas ayaana keeni karta in ugu danbayntii uu qoyskii burbur ku yimaado.
Kala shakiga iyo kalsooni la’aanta ayaa qayb wayn ka qaata inay sii kordhiyaan masayr ka, taasoo ku dhamaan karta inuu burburo qoyska.
Sidoo kale dhaqaalaha ayaa qayb ka ah wax yaabaha keena masayrka waliba marka ninka ay wax usoo kordhaan uuna isku dayo inuu ka qariyo xaaskiisa, taasoo keeni karta shaki ah inuu guur kale damacsanyahay.
Isku soo wada duub oo masayr ku waxa uu ka mid yahay sababaha ugu waawayn ee ay u burburaan qoysaskeena, kalsoonida oo yaraata iyo lamaanaha oo marar ka qaar aan fahansanayd sida loo maarayn karo awgeed.

Akhri: Burburka Qoyska Iyo Saamaynta Uu ku leeyahay Bulshada Qaybta Koowaad

WQ: Ahmed Abukar

Post a Comment

0 Comments