Header Ads Widget

Responsive Advertisement

News Ticker

3/random/ticker-posts

10 Calaamadood oo aad ku garan karto gabadha Sida dhabta ah kuu Jecel


Dabeecadaha Dumarku mahan wax sahlan in la saadaaliyo. Dumarku waa kuwo caadifi ah oo maskaxdooda si fudud isku bedesha. Mararka qaar waa kuwo aad kaaga yaabiya si lama filaan ah. Dumarka si fudud ayuu jacaylka u gali karaa.

Laakiin markay ay dumarku gaaraan da’da qaangaarka ayna dhedhemiyaan jacaylka dhabta ah waxay nodaan kuwo aad u qalbi nugul.
Haddaba su’aasha halkan kasoo baxaysa ayaa ah side lagu ogaan karaa marka ay gabadhu si dhab ah kuu jeceshahay? Side lagu ogaan karaa in jacaylka haayaa uu yahay mid xaqiiq ah?
Waxaan halkan idinkugu soo gudbinayaa dhowr calaamadood oo aad si fududu ugu ogaan karto in gabadhi ay si dhaba kuu jeceshahay:
1. Sidii Hooyo oo Kale ayay kuu Xanaaneysaa.

hadba sida ay kaaga fekereyso kuuna xanaaneyso ayaad ku garan kartaa in gabadhi ay ku jeceshahay. Dareenka hooyonimo eek u beeran ayaa ka dhigaya inay kaaga fekerto kuuna daryeesho sidii ubad ay dhashay. Waxay kuu sameyneysaa waxwalba oo karaankeeda ah si ay u hubiso inaad qanacsan tahay.

2. Naftaada ayay teeda ka hormarineysaa 

Gabadha ku jecel waxay kuu hureysaa nolosheeda ayadoo naftaada ka hormarineysa mideeda. Waxaa laga yaabaa shaqo adiga laguu soo diray inay isku deydo inay ayada kuu qabato. Tusaale marka Layli (Homework) laguu soo diro waxay jeceshahay inay kaaga shaqeyso ayadoo teeda iska iloweysa.

3. Samir Badan

Sikasta oo aad u dabeecad qalafsan tahay ama u madax adag tahay, gabadha ku jecel marna kama daaleyso inuu kuu samirto. Xumaantaada oo dhan ma arkeyso waxa keliya ay fiirineysaa waa ruuxa ay calmatay dunida ka dooratay.

4. Cafis Badan

Sikasta oo aad u xumeyso ama dhaawac u geysato qalbigeeda, gabadha si dhab ah kuu jecel way iska kaa cafineysaa. Jacaylka ay kuu qabto xad malahan taasi ayaana ku khasbeysa inaysan eegin khaladaadkaaga.

5. Waxay kula jeceshahay Wanaagga
Gabadha sida dhabta ah kuu jecel waxay marwalba ku dadaashaa wanaagaaga. Waxay ka fekertaa garabna kugu siisaa inaad naftaada hormariso. Waxay marwalba kugula talisaa inaad bedesho dabeecadaha iyo habdhaqankaaga aan wanaagsanayn.
Sida hooyadii ku dhashay oo kale, gabadha ku jecel waxay kugu caawineysaa inaad qof wanaagsan noqoto.
7. Waxay Kugu Dhiirigelisaa inaad Hamigaaga Gaarto

Gabadha sida dhabta ah kuu jecel waxay jeceshahay kuguna dhiirigelineysaa sidii aad riyooyinkaaga nolosha u gaari lahayd, waxay jeceshahay inaad farxad ku noolaato. Waxay jeceshahay inaad noqoto qof nolosha guul ka gaarto.

Xilliyada aad murugo ama culeys dareemeyso waxay kugu dhiirigelineysaa inaad sidii aad hadafkaaga u gaari lahayd.
8. Waxay Kula Qaybsaneysaa Murugada

Gabadha sida dhabta ahi kuu jecel way ku garab istaageysaa xiliiyada adage e noloshaada la soo gudboonaada. Waxay aaminsan tahay inaad tahay qof karti u leh inuu ka gudbo marxaladaha adag iyadoo niyadda kuu dhiseysa. Kuma cidleyneyso kaamana tagayso waqtiyada adag.

9. Waxay Ku Bareysaa Qoyskeeda

Gabadha ku jecel waxay jeceshahay inaad barato qoyskeeda iyo asxaabteedaba. Si karaamo leh ayay reerkeeda kuu bareysaa ayadoo muujineysa inaad tahay ruuxii ay ragga oo dhami kala soo dhex baxday oo aad nolosheeda kaalin mug leh uga taagan tahay.

 10. Waxay Wanaajisaa reerkaaga

Maadaama aad tahay mustaqbalkeeda iyo midii ay nolosheeda u hibeysay, waxay ka shaqeysaa sidii ay reerkaaga iyo asxaabtaada u wanaajin lahayn una xiriirin lahayd.

Haddii ay jiraan astaamo kale oo aad isleedahay waa laga tagay, waxaad noogu reebi kartaa qaybta faallooyinka.


Post a Comment

0 Comments