Qasrigii Lacagta (La Casa De Papel) waa taxane ama Musalsal Spanish ah oo ay malaayiin qof jeceleysteen daawashiida guud ahaan caalamka.
Ka sokow inuu yahay film ka tarjumaya koox burcad ah oo lacago malaayiin ah ka dhacay Bankiga Spain, Haddana waa barnaamij laga baran karo sida fikrad aad ugu bedeli lahayd istiraatiijiyad iyo weliba sida aad fulin karto istiraatiijiyadda aad dejisay si aad uga guul gaarto hadaf.
Waa macquul
haddiiba aad daawatay inaad duruus badan aad kala baxday.
Haddiise aadan
weli daawan, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa 12 qodob oo muhiim ah waxna looga
qaadan karo in lagu dabaqo nolosha.
1.
Guushu Waxay U Baahan Tahay U Diyaargarow
Sida laga
dheehan karay taxanaha, Barafasoorka oo ah maskaxda dhaqaajinaysay ama hagaysay
kooxda burcadda wuxuu sameeyay waxwalba oo diyaargarow ah ee usuura gelin karay
in qorshihiisu si guul leh ku dhamaado. Marwalba oo aad shaqo ama howl ganacsi
ah aad bilaabeyso ku talagal in ay wadiiqo iyo caqabado badan kugu soo fool
yeelan karaan, islamaarkan ka sii baaraandeg sidii aad ula tacaali lahayd
caqabkasta.
2. Culayskasta Aad la Kulanto Wuxuu Kuu
Dhoweynayaa Dhanka Guusha
Xalaqad kasta
oo taxanaha kamid ah, Barfasoorka iyo kooxdiisa waxay la kulmayeen Caqabado
halis badan. Si dhiifooni ah ayagoo u maareynaya caqab kasta ayaa ugu dambeyn u
suura gelisay inay gaaraan yoolkii ay lahaayeen.
Marka howl
ama ganacsi aad waday uu culays soo waajaho waxaad ogaaneysaa meesha dhibta ka
jirto kadibna xalkeeda ayaad u dhaqaaqeysaa, sidaasna waxaad ugu sii durugtay
gaaridda ujeedooyinkaaga. Culeysyada ha u arkin dhibaato, waxaad u fasiran
kartaa fursado aad sixitaan iyo guulba ku gaari karto.
3. Isku Day fahamto Suuqa aad ku tartameyso si
ka badan dadka Kale
Waxaan
dhammaanteen in badan la yaabnay sida uu barfasoorku ula soo baxayay fikrado
iyo istiraatiijiyado uu kaga hortagayay booliska kana dhigayay mid ka tallaabo
dheereeya booliska. Ma ahan wax adag, keliya wuxuu aad u fahmay nidaamka kagana
badiyay dad kale, wuxuu sii ogaa tallaabo kasta oo ay samayn doonaan kahor inta
aysan ku dhaqaaqin.
Marka dhanka
ganacsiga aan ka fiirino, Fahamka suuqa inaad dadka kaga dheereyso waa asaaska
guusha. Waa inaad isweydiisaa jawaabna u heshaa su’aalahan:
Waa ayo dadka
aad rabto inay macaamiishaada noqdaan? Maxay ku doorbidi doonaan amaba ku diidi
doonaan inay macaamiil kuu noqdaan? Hadii uu khalad ganacsi dhaco side ku
maarayn doontaa?
4. Muhiimadda Suuq Baaristu Leedahay (Research)
Si aad u
hesho xogo dhammeystiran waa inaad baaris durugsan ku sameysaa suuqa. Waa inaad
warbixin buuxda ka heshaa suuqa aad dooneyso inaad ku tartanto.
Helidda xogahaas
waxay kuu fududeyneysaa qaadashada go’aamada waxaana noqoneysaa qof u diyaarsan
waxwalba uu suuragal ah oo suuqa kaaga imaan kara.
Soomaalida
waxay tiraahdaa “War Helaa Talo Hela”. Go’aan sax ma qaadan kartid adigoo aan war
sugan haysan.
5. Baro Waxyaabaha Aad Ku Fiican Tahay
Barfasoorku
wuxuu mar ka qalqalay inuu dilo hooyada dhashay askariyaddii u xilsaarnayd barista
kiiskiisa. Bal kasoo qaad Oslo oo haysta Hub iyo Sun ma isleedahay daqiiqad
xataa wuu qalqali lahaa? Waa Maya jawaabta.
Barfasoorka
waxa uu ogaa in uu ku fiican yahay awoodna u leeyahay inuu kooxda gadaal ka
istaago korna ka maamulo. Howlaha uusan ku fiicnayn oo dhan wuxuu u samaystay
dad kale oo usoo fuliya.
Ganacsiguna waa
sidaas oo kale, Naftaada haku khasbin waxyaabaha aadan awoodda u lahayn, taas
bedelkeeda waxaad diiradda saartaa waxyaabaha aad ku wanaagsan tahay awoodna u
leedahay.
6. Qorshe Sameyso
Hadaf aan
lahayn qorshe waa iska riyo. Makula tahay in barfasoorka iyo kooxdiisa inta ay
bankiga galeen, maxaabiis qabsadeen, booliska iska maareeyeen ayagoon wax
dhibaato ah samaynin haddana la soo tagay malaayiin iyagoo aan wax qorshe ah
samaysan?
Waxaa hubaal
in la qaqaban lahaa xitaa ayagoon telefoon u dirin Barfasoorka.
Haddii aad yool
u samaysato Ganacsigaaga, waa inaad diyaarsataa qorshe cad oo leh wadiiqooyinka
aad mari lahayd si aad u gaarto hadafkaaga.
7.
Qorshahaaga Ha Baalmarin
Way fududahay
inaad la kulanto waxyaabo kaa weecinaya qorshahaaga, Sida Tokyo iyo kuwa kaleba
ay sameeyeen. Daldalooladaasi waxay gaareen ilaa heer uu qorshihii oo dhami kusigto
in uu burburo.
Marka aad
qorshe u sameysato ganacsigaaga sidaas oo kale ayaa waxyaabo yaryar kugu keeni
karaan inaad dhabaha ka leexato. Waxaa muhiim ah inaadan marna baalmarin
qorshahaaga waxkasta oo kusoo waajaha.
8. Khaladaad Ayaad Ku Kacaysaa
Waxaa laga
yaaba inaad qaadato go’aanno saamayn xun ku yeelan doona ganacsigaaga. Haddii
aan taxanaha dib u milicsano Barfasoorka iyo kooxdiisuba waxay ku kaceen
khaladaad badan. Laakiin waa la sixi karaa khaladaadka kaa dhaca sidoo kale
duruus ayaad ka baran kartaa khaladaadka.
9.
Far Keliya Fool Ma Dhaqdo
Bal qiyaas
Barfasoorka oo keligiisa qorshenaya dhaca Bankiga asagoo waxwalba oo shaq ah.
Maxaa dhici lahaa ayaad isleedahay?
Barfasoorku
keligiis ma ahayn. Wuxuu raadiyay koox dad ah oo wadaag aragti la ah si uu
qorshihiisa ugu hirgalo. Mararka qaar waa inaadan keligaa howlgalin oo raadsato
dad khibrad u leh ganacsigaaga howshana kula fuliya.
10. Hankaaga Lacag Yuu Ku Koobnaan
Inkasta oo
lacagtu tahay furaha dhaqaajiya ganacsiga haddana hankaaga waa inuu intaas ka
sareeyaa haddii kale lacag keliya farxad iyo qaneeco ma keento.
Barfasoorku damaciisa
mahayn lacag keliya ee wuxuu rabay inuu ka mira dhaliyo riyadii qabyada ahayd eek
a tagay aabihiisa ka geeriyooday.
11. Nafhurid (Bella Ciao)
Mararka qaar
waa inaad nafhurid sameysaa si danta guud loo gaaro. Waxaad macsalaameyn
doontaa waxyaabo aad jeclayd. Qof xun
ayaa ganacsi wadaag kula noqon kara. Waqti qiimo badan kuugu fadhiya intuba
waxaad u hureysaa sidii aad guul u gaarti lahayd.
12. Fikrad Yar Ayaa Saamayn Wayn Yeelan Karta
Markii la diyaarinayay Taxanaha
Qasrigii Lacagta (Lacassa De Papel) marna lama fileyn inuu gaari doono heer
caalami ah, keliya wuxuu ahaa mid loogu talagalay dalka Spain. Markii la arkay
saamayntii uu yeeshay Qaybta koowaad ayaa maalgelin wayn ka helay Shirkadda Filimada
ee Netflix taasoo gaarsiisay heer adduunka oo dhan laga daawado aadna loo wada
jeclaystay.
Haddii aad ka heshay maqaalkan Share-gareey.
Su’aal: Adigu Ma Daawatay Musalsalka Money Heist ama Lacassa
De Papel? Maxaad ka baratay hal iyo Laba Ka deh?
Sidoo Kale Akhri: Shan Khalad oo ay Dhallinyaradu Sameeyaan Iyo Sida Ay U Maareyn Karaan
Sidoo Kale Akhri: Shan Khalad oo ay Dhallinyaradu Sameeyaan Iyo Sida Ay U Maareyn Karaan
WQ: Nasra Siman
0 Comments