Waa Dhacdo Yaab Leh oo dhex martay nin iyo xaaskiisa oo isku khilaafay shaqada Gogosha.
Aniga iyo Saaxiibkey Xasan, ayaa anaga oo maanta socona
Magaalada, waxaa ku soo baxnay meel Buuq ka taagan yahay. Waan fiirsanay, mise
Gabar ayaa waxey kulleetiga ku dheggan tahay Nin.
Waan ku leexanay, waxaan la
kulanay Gabadhii oo kor u qeylineysa oo Ninkii ku leh hadallo yaab lahaa oo ay
ka mid ahaayeen, “Waryaa, Doofaar yahow dalqadeyda i maqashii. Waryaa, aniga oo
Awalba Dulqaad iyo Samir kugula joogay ayaa Naag kale keentay. Labadeena Tabar iyo Taag nooma wada heyside, awalba
aniga ayaa kugu dhibbanaaye, iyada ku Har oo Aniga i Fur".
Ereyadaas iyo kuwo badanoo la
halmaala ayey gabadhii lahayd. Hadaladeedu
waxay u ekaayeen inuusan ninku ku wanaagsanayn shaqada gogosha. Ayadoo midaas
ugu dulqaadanaysa uu ninku haddana naag kale ka dul keenay.
Ninku, wuu iska Baryayaa Gabadha,
iyadase hadal ma kala joojineyso, Kuleetigiisa ayeyna ka laalaaddaa. Dadka
meesha maraaya, marka ay arkaan Xaaladda iyo Indha-adeyga Gabadha, inta yaabaan
baa qaar ag dhaafaa, kuwana ka dhigtaan Filim oo ay fiirsanayaan.
Sidoo Kale Akhri: 10 Calaamadood oo aad ku garan karto gabadha Sida dhabta ah kuu Jecel
Aniga iyo Saaxiibkeey Xasan, ayaa
waxaan go'aansanay in aan Howsha galno. gabdhii baan ninkii ka furfurnay,
markaas baan si gooni ah ula hadalnay, waxaana ku Qancinay ineysan sidaan
Sharaf u aheyn iyada iyo ninkeedaba, haddii ay rabto furiina, ay u fiican tahey
inay odeyaasheeda u sheegato oo aiyagu gartooda u galaan. Intaas iyo hadalo
kale oo baryo iyo xaalad-dejin ah ayaan isugu darney gabadhii.
Alxamdulilaah, Warkeenii wey
qaadatay, weyna baxday. Ninkii ayaan u soo Laabanay. Inta Xabadka na wada
geliyey ayuu si Kal iyo Laab ah noogu Mahad celiyey. Isku jiho baan noqonay oo
waan isku soo Lug darsanay. Intii aan isla soconay ayaa waxaan ka codsanay inuu
si Sax ah arrintii nooga warramo, kolkaas buu wuxuu nagu yiri:-
“Haddaba walaalayaal, gabadhan 4
sano kahor ayaan guursaday, waxayna ii dhashay 4 wiil oo isku wada nuug ah. Sida
ay sheeganeyso marba hadaan shaqada aan kala joogsiga lahayn ee sariirta aan u
dulqaadan waayay, waxaan dhawr mar isku dayay inaan iska furo, laakiinse marwaliba waxaan arkaa iyadiyoo xaamilo horay
ka noqotay, markaasna waa iska dhaafaa.
Sidaas ayay afar isku wada nuug
ah ku dhashay. Markii dambe waxaan go`aansaday in aanan Furin si aysan
Carruurtu iiga dayacmin, oo aan Xal kale raadiyo. Walaalayaalow, gabadhan waxay
rabtaa in 24-kii saacba shaqada sariirta marba hakad galin, aniguna alaab
koronto ku shaqeysa ma ihi. Sababta aan naagtaan kale u Guursaday ayaa waxey
tahay, in aan Dul yuurarkeeda kaga Nasto habeenada aan ka maqanahay, oo
Guurkaan kale Xal baan biday". kkkkk.
Waxaa Qoray:- MU.
0 Comments