Header Ads Widget

Responsive Advertisement

News Ticker

3/random/ticker-posts

Sheeko Cajiib ah : Gabadhii ninkeeda Sumeysay



Waa mid ka mid ah sheekooyinka xiisaha badan ee aan ugu talagalnay akhristeyaasheena dunida daafaheeda ku kala sugan ee ku tixan mareegtan qiso iyo sheeko. 


Inan ayaa hooyadeed intey u yeertay ku tiri:- hooyo, ninkaygii waan nacay, dadka isagaan ugu necebahay, isna wey muuqataa oo ima jecla, balse wuu igu adkaynayaa oo i furi maayo waxaan go'aansaday inaan dilo ee ila tali qaabka ugu fudud ee aan cidi fahmeyn ee aan u dili karo.
Hooyadii si qeggen ayey gabadheeda ugu tiri:- inantaydiyeey, waa runtaa oo waad saxan tahay ee anaa ku tusaayo qaab fudud oo aad u khaarijin karto, ee horta marka hore si aan la inoo fahmin samee sidatan:-
1- isku qurxi oo soo jiido, una dhoola cadee markuu soo galo, una sheeg inaad ku faanto.
2- maqal warka uu kuu sheego oo adeec, hadalkana ha ku adkeynin.
3- hala dagaalin oo ha la murmin si aan loo ogaan inaad is heysaan oo marka uu dhinto aan lagaaga shakiyin inaad adigu dishay.
Intaas ka dib hoo budadan yar ee sunta ah oo maalintiiba malqacad ugu dar ahaaha. Si hoos hoos ah buu u dhimanayaaye.
Inantii waayahay bey tiri oo howshii bey sidii loo faray ugu dhaqaaqday.
Muddo ka dib ayey inanti hooyadeed ku soo laabatay iyadoo qalwalsan. Waxa ay  kutiri (hooyo ninkeyga waa ii fiicnaaday. Oo ma noqon sidii aan moodayey. Wuu i jeclaadey oo aad ayuu isu bedelay anigana waan jeclahay hadda sidee ayaan sunta uga badbaadiyaa ee aan siiyay, ma rabo inuu iga dhinto haddee.
Hooyadeed ayaa tiri:- inanteydiiyeey, waxaan ku siiyay xulbad daawo ah bey ahayd. Waxba ma yeeleyso ee caafimaad bey u kordhineysaa. Sunta keliya ee qoyskiina dumineysay waxey aheyd inaadan si fiican seygaaga ula dhaqmi jirin. Iminkana dhaqankaaga sidaas ku sii wad.


WQ: MU


Post a Comment

0 Comments