Header Ads Widget

Responsive Advertisement

News Ticker

3/random/ticker-posts

7 Siyaabood oo aad Sare Ugu Qaadi Karto una xoojin karto Shaqada Sariirta



Siyaaba loo kordhin karo loona xoojina karo dareenka xilliga shaqada sariirta adiga oo aan daawo isticmaalin 


Haddii aad raadineyso siyaabaha loo kordhin karo mudada shaqada adeega sariirta, keligaa ma tihid, waxaa jira dad badan oo adiga kula mid ah. Dadka raadinay inay sare u qaadaan waxtarkooda awoodda iyo tayada galmo qaar waa kuwo dhibaatooyin caafimaad haya halka qaarka kalena ay rabaan inay sii xoojiyaan awoodooda oo ay qanciyaan lamaanahooda. 

Inkastoo ay jiraan dawooyin kaalmaati ah oo laga helo goobaha caafimaadka, haddana waxaa jira qaabab kale oo ka fudud kana dhib yar adiga oon daawo isticmaalin aan ku xoojin karto dareemahaaga. 

Marka hore waxaa muhiim ah inaad ogaato in xubintaada taranku ay la shaqeyso wareegga dhiiggaaga. Waa inaad markaas ku dadaashaa in nidaamka wareegga dhiigaagu saxan yahay. Markaan si kale u dhigo, waxwalba oo u wanaagsan wadnahaaga waxay u wanaagsan yihiin waxtarkaaga cayaarta gogosha. 

Maqaalkan waxaan ku soo qaadan doonaa siyaabaha aad ku xoojin karto ama sare ugu qaadi karto waxtarka gogosha. 

1. Jimicsiga 

Siyaabaha ugu wanaagsan ee lagu xoojin karo waxtarkaaga gogosha waa inaad joogteyso jimicsiga. Jir caafimaad leh ayaa maskax caafimaad qaba. Maalintii ugu yaraan 30 daqiiqo oo jimicsi aad sameyso ayaa sare u qaadaya caafimaadka wadnahaaga sidoo kalena xoojinaya waxtarkaaga cayaarta sariirta. 

2. Cun Khudraddan 

Khudaarta qaar ayaa waxay caawinayaan habdhiska wareegga dhiigga. Waxaana kamid ah kuwa soo socda: 

  1. Basasha iyo Toonta: Inkastoo basasha iyo toontuba aysan u wanaagsan neefta afka ka soo baxda, laakiin waxay si wayn wax uga taraan habdhiska wareegga dhiigga. 
  2. Mooska: Maadada potassium-ka oo ku badan aawadeed, Muusku wuxuu hoos u dhigaa dhiiga oo sare ukaca, sidoo kalena wuxuu faaiidoo u yahay xubinta taranka asagoo awoodsiiya tamarta ragganimada. 
  3. Basbaaska: Dhammaan noocyada cuno ee xawaashka ah waxay sare u qaadaan awoodda xiliiga cayaarta gogosha. 

3. Noocyada Hilibka Iyo Cunooyinka 

Noocyadan hilib iyo cunno ee hoos ku xusan waxay qayb wayn ka qaataan in dhiiggu si saani ah u wareego taasoo sare u qaadeysa waxtarka xilliga galmada: 
  1. Cuntooyinka Laga helo Dufanta Omega-3:  Noocyadan cunooyinka kamid ah ee laga helo dufanta Omega-3 waxay sare u qaadaan qulqulka dhiiga. Kalluunka Nooca tuunada loo yaqaano, Afokaadhaha iyo Saliid Seytuunka ayaa kamid cunooyinka laga helo Dufanta Omega-3. 
  2. Fiitamiinka B-1: Noocan Fiitaaminka ah wuxuu kaalin wayn ka qaataa sare u qaadidda dareemaha iyo rabitaanka cayaarta sariirta. Digirta, Looska iyo Digirta cas ayaa kamid ah meelaha laga helo fiitamiinka B-1. 
  3. Ukunta: Maadooyinka fiitamaniida b-da oo ku badan aawadeed, ukunta waxay isu dheellitirtaa hormoonada jirka. Waxayna xoojiyaan awoodda raganimada. 

4. Welwelka Iska yaree 

Stresska ama Walbahaarku waxaa uu saameyn weyn ku leeyahay caafimaadkaaga guud ahaan, Walbahaarku wuxuu aad u yareeyaa rabitaanka iyo awoodda raganimada. Waxaa wanaagsan inaad isticmaasho dariiqo walba aad ku yaran karto walbahaarka. Jimicsiga ayaa kamid ah siyaalaha lagu xakamayn karo walbahaarka. Haddii ay nolosha dhibaatooyin kaala soo dersaan waa inaadan qarsan oo aad ugu yaraan lamaanahaga u sheegtaa. Waayo walbahaarku wuxuu saameeyaa kartida iyo awoodda xilliga galmada. 

5. Balwadda iska Jooji 

Isticmaalka noocyada mukhaadaraadka ama balwadu wuxuu hoos u dhigaa awoodda raganimada.iska jooji noocwalba oo balwadda kamid ah, sidoo kale ku bedelo waxyaabo caafimaadka sare u qaadaya sida inaad jimicsi sameyso ama cunno dheelitiran oo caafimaad leh cunto. 

6. Qoraxda/Cadceedda 

Inaad hesho daqiiqado aad ku qoraxeysato waxaad ka heleysaa sare u kaca dareemaha. Falaaraha qorraxdu waxay hoos u dhigaan hormoonka loo yaqaano melatonin oo hoos u dhiga rabitaanka howsha gogosha 

7. Isticmaal Qaraha/Xabxabka 

Dadka khuburada ah eek u xeeldheer arrimaha caafimaadka wadnaha waxay isku wada raaceen in isticmaalka Qaraha ama Xabxabku kordhiyaan dareemaha ragga sidoo kalena waxay sare u qaadaan waxtarka xilliga cayaarta gogosha. 

Haddii aad kamid tahay dadka ku xiran majaladdan Qiso iyo Sheeko, Waxaan kaa codsaneynaa inaad maqaaladeena la sii wadaagto asxaabta.




WQ: ALIL

Post a Comment

0 Comments