Header Ads Widget

Responsive Advertisement

News Ticker

3/random/ticker-posts

Qisadii Bahluul oo Ahaa Nin Caqli iyo Aqoon Isku Darsaday



Akhriste qormadan waxaad ku akhrisan doontaa qisadii Bahluul oo ah nin caalim ahaa caqli, garasho dheeri iyo xikmad badanba u saaxiib ahaa. 

Bahluul waxa uu ahaa nin caqli iyo aqoon badni isku darsaday, noolaana xilligii boqoradii Cabaasiyiinta Muusa Al-Haadi illaa Mutawakil.

Waxa uu ahaa nin aan xaqiiqada iyo runta kala gaban boqorada, waxaana ay iyagu u haysteen nin waalan, maadaama oo u is waali jiray.

Mid kamida qisooyinka laga soo wariyo kuwooda ugu xikmadaha badan ayaan midan idinla wadaagayaa.

Bahluul iyo nin kale oo garaad iyo aqoon isku tuhmaya ayay dhex martay doodi, waxaana ay la wada joogeen khaliifkii Haaruun Al-Rashiid.

Ninkaasi waxa uu ka cabanayay Bahluul, isaga oo sheegay in uu dhoobo malaasan madaxa kaga dhuftay, habeenkii xalay ahaana aanu seexan xanuun dartii.

Khaliifkii waxa uu weyddiiyay Bahluul sababta uu dhoobada ugu dhuftay ninkan. Bahluul waxa uu ku jawaabay, "Ninkani waxa uu dadka dhexdooda lamarayay saddex aragtiyood oo kala ah:

  • In Ibliis aan la cadaabayn, maadaama oo uu ka samaysan yahay dab oo aanu dabku waxyeelayn.
  • In aanay janno iyo naar midna jirin, maadaama aan shanta dareeme midna lagu dareemi karin. 
  • In bini aadamku uu yahay mid sandulaysan oo aan rabitaan wax ku samayn karin, balse qadarka uun uu u hoggaansan yahay oo rabitaankiisa aanu waxba ku samayn. 

Saddexdaas aniga oo uga jawaabaya ayaan dakhray ninkan," ayuu yidhi Bahluul.

  • "Marka ugu horreysa ninkani waxaa laga abuurey dhiiqo ama dhoobo, waxa aana ku dhuftey isla dhoobadii, in uu dakhar gaaray oo uu xalayna xanuun dartiis la seexan waayey waa uu ii sheeganayaa, sidaas ayuuna Ibliis isagoo dab laga abuurey isla dabkii ugu gubanayaa.
  • Waxa kale oo uu inoo sheegay in uu xalay xanuun ka seexan waayay, xanuunkaasna inama tusi karo, maadaama oo aan shanta dareeme midna lagu dareemayn. Isagana waxba kama jiro xanuunka uu sheeganayo, waxaa uuna lamid yahay janada iyo Cadaabta Naarta, Bacdamaa aan la arki karayn sidoo kalena aan lagu dareemi Karin shanta dareemeyaasha ee jira. 
  • Marba haddii uu aaminsan yahay in bani’aadamku aan lahayn, oo uu keliya u hogaansan yahay qadarta eebe, gacanteyda daqarka u geysatay malahayn wax rabitaan aj ee qadartaa uun bay u hogaansaneyd. Qofku waxa uu ku khasban yahayna looma qabto, maadaama oo aan Ilaahyba u qaban. Sidaas awgeed, ninkan xukun iima qabanayo." 
Ugu dambayn, ninkii saddexdii shubaho sidii ayuu kaga baabi'iyay Bahluul, isna uu ku nabad galay.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

WQ: Maxamed Deeq Darajo

Post a Comment

0 Comments