Wax aan nahay dhalinyaro aqoonyahanno ah oo iskood isu abaabulay una istaagay in ay siyaasadda dalka wax ka badalaan, ayna badbaadiyaan mustaqbalkooda iyo kan jiilalka soo socda, waxaa na mideeeya aragti qura taas oo uu saldhigeedu Soomaalinimo, Islaamnimo iyo BiniAadanimo.
Aqoonyahanka da’dii dhalinyaronimada dhaafay waa u furan yahay ururkeenna kaliya waxaa shardi ah in uu aaminsan yahay aragtida ururka uusanna horay uga qeyb galin qalalaasihii dalka ka dhacay. Qof walba oo innaga mid ah waxaa lagu soo xulay sifooyinka aqoon, karti iyo amaano.
Labadii bilood ee la soo dhaafay wax aan ballaarinay urur-siyaasadeedkeenna, wax aan xubnaha golaha dhexe ee ururkeennu gaareen 300 oo qof kuwaa oo dal iyo dibadba kala jooga, wax aan isku dhaarsannay in qof walba danta guud ka shaqeeyo Lana abuuro dhaqan siyaasadeed ka duwan midkii jiray 60-kii sano ee la soo dhaafay.
Dhaqaalo ahaan, Xubin walba oo innaga tirsan bil walba qaaraan ayuu bixiyaa, taageerayaasheenna Iska soo diiwaan geliyay xarumaheenna gobolada Dalka iyo dibadda wax ay haataan marayaan 50,000 oo qof oo isugu jira aqoonyahanno, ganacsato iyo dadka caadiga ah ba.
Wax aan bilownay olole dhaqaale oo loogu aruurinayo ururka kaas oo aan liid uga dhignay “Intii masiirkaagu dowlad shisheeye gadan laheyd adigu qaaraan ahaan u bixi qarashka ololaha, qeybna ka noqo ururka”.
Waxaa la yaab iyo dhiiragelinba noqotay markii Hooyo Soomaaliyeed oo deggan Kismaayo ay timid xarunta ururka ee Kismaayo iyada oo wadda 50,000 oo shilin Soomaali ah, wax ayna sheegtay in ay intaas uga qeyb galeyso qaaraanka loo uruurinayo ururka.
Dhanka kale Waxaa jira ballanqaadyo ay sameeyeen shirkadaha waaweyn ee ganacsiga sida Hormuud iyo Dahabshiil iyo shirkado kale oo sheegay in ay qeybtooda qaaraanka ka bixinayaan.
Taageerayeesheenna wax ay aad u soo dhoweeyeen markii aan iska diidnay in aan lacago deeq ahaa ka qaadanno dalalka danaha ka leh Soomaaliya, waxaana sidaa u yeelnay si aan danta umadda aan u adeegeyno ugu madaxbanaano, si madaxdeennu go’aannadooda ugu madax banaanaadaan lacagta ololaha waa in gudaha laga soo uruuriyaa.
Wax aan shaqo ahaan u xayeysiineynaa jagada musharaxa madaxweynaha, wax uuna qofkaasi ka imaan karaa ururka gudihiisa ama bannaankiisa, waxaa muhiim ah inuu hayo xalka dhibaatooyinkii xalka loo waayay iyo inuu soo buuxiyo shuruudaha ku xiran madaxweynaha aan dhiseyno, waxaana qorshuhu yahay in si cadaalad iyo hufnaanba leh ay xubnaha ururka ugu codeeyaan musharaxa ururka, markaa kadib ayuu musharaxa madaxtinimada dalka u tartami doonaa.
Musharaxa waxaa laga doonayaa inuu xal u hayo ama aragti togan oo maangal ah ka heysto ajandayaasha qaranka oo ay kamid yihiin nidaamka awood qeybsiga qabiilka ku dhisan ee 4.5, Federalka, dib u heshiisiinta iyo arrimaha Somaliland, barnaamijka ciidamada Amisom, al-Shabaab, dhismaha ciidanka qaranka, dhameystirka dastuurka, dacwada Badda ee Kenya nagala dhaxeysa, mashruuca Soomaaliweyn, dib u soo celinta qaxootiga, dib u dhiska dhaqaalaha Dalka, shaqa-abuurka dhalinyarada iyo guud ahaan siyaasadda arrimaha gudaha iyo dibadda.
Qof walba oo Soomaali ah wax aan u dirnay baaq ah inuu ka sii fikiro sida uu arko xalka Soomaaliya, wax aan wadnaa cilmibaaris Aad u ballaaran taas oo aan Soomaalida ku weydiineyno dowlad caynkee ayay doonayaan? Adiguba hadda ka jawaab dowlad noocee ah ayaad dooneysaa?!
Walaal iga raali noqo xogta kore oo dhan waa male awaalkeyga, Mar walba intaa ayaan ka fikiraa laxaw badan ayayna igu heysaa xaaladda Dalka marayo ee ma u wada istaagnaa isbedel dhab ah oo ay dhalinyaradu hogaaminayaan?
Qalinkii: Mohamed Dugoow
0 Comments