Header Ads Widget

Responsive Advertisement

News Ticker

3/random/ticker-posts

5 Talo oo kaa caawinaya inaad si fudud Cayilka ku yareyso Bisha Soonqaad



Sida caadada noo ah haddii aan Soomaali nahay bisha Soonqaad waxaan ka dhiganay bishii raashiin cunista. Gaar ahaan qofwalba wuxuu jecel yahay inuu ku afuro cuntooyinka uu jecel yahay. Qaar baa aaminsan in ay khasab tahay in lagu afuro sambuuska iyo waxyaabaha la shiilo. Ma is weydiisay cuntooyinkaas waxyeelada caafimaad ee jirkeena ay ku samayn karaan? 


Dadka qaar kale ayaa qaba in bisha soonqaad ay tahay fursad uu qofku dib ugu sixi karo habnololeedkiisa caafimaad. Haddii si sax ah looga faaideysto bisha soonqaad waa fursad wayn oo aad miisaankaaga iyo cayilkaba aad isaga ridi karto/ 

Halkaan waxaan ku soo qaadan doonaa 6 talo oo aad si fudud iskaga ridi karto miisaanka iyo cayilka Inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Soonqaad. 


1. Biyo Badan Cab 

Cabista biyaha badan waxay kaa caawineysaa inaad soo celiso fuuqbaxa uu keeno oonka ama haraadka maadaama maalintii oo dhan aad sooman tahay. Biyaha aan ka hadleyno ma ahan cabitaabnada la shiido ee sokorta badan lagu qaso. Waa biyaha cad, wuxuuna qayb wayn ka qaataa inuu jirku si xowli ah u gubo dufanta ama baruurta. Khubarada caafimaadku waxay ku taliyaan in ugu yaraan 2 liitar oo biya ah ama 8 galaas uu qofku cabo. Waxaa biyaha loo qaadan karaa sidan: 2 galaas xilliga afurka. 4 galaas oo biya ah inaad cabto inta u dhexeysa afurka iyo suxuurta iyo 2 galaas xilliga suxuurta. 


2. Ku Afur Cuno Dheellitiran 

Bisha Soonqaad waa inay ka duwanaataa maalmaha kale ee caadiga ah ee aan 3-da waqti raashiinka cuneyno. Dadka qaar 3-doodii waqti ayay habeenkii usoo raraan. Tani kuma saacideyso inaad miisaanka dhinto. Maskaxada ka saar ama iska ilow inaadan maanta oo dhammi raashiin cunin. Waxaad ka soo qaadaa adoo xilliga cashada u fadhiya inaad raashiin cunto. 

Sida sunada ah ku afur 3-xabo oo timir ah. Kadib ku xeji cuntooyin fudud oo khudaar u badan ama fruits. Waa hubaal inaadan wax badan cuni Karin maadaam maalintii oo dhan aan soomanayd. Uga faaideyso inaad iska yareyso ama joojiso cuntooyinka kaarbohaydreytka u badan. 


3. Haka Tagin Suxuurta 

Ka sokow inay sunno tahay in suxuurta la cuno waqtigeeda, haddana suxuurta waxay leedahay faaiidooyin badan. Marka aad suxuurta ka tagto waxaa jirka kugu dhacaysa inaad maalintaas gaajooto taas oo keenaysa inaad afur tiro badan cunto. Suxuurtu maahan inaad caloosha ka buuxiso dufan iyo kaarbohaydreyd badan. Galaas caano iyo 3 xabo oo timir ah waa kugu filan tahay. 


4. Iska yaree Cusbada Badan Xilliga Suxuurta 

Cusbadu waxay leedahay maadooyin jirka ku khasba inuu biyaha iska saaro. Raashiinka cusbadu ay ku badan tahay ee xilliga suxuurta lacuno waxay kuu keenayaan oon iyo haraad maalintii ah. Qaado cunooyin fudud oo u badan borotiin. 


5. Joogteey Jimicsiga 

Inaad sooman tahay kama dhigna inaad caajis iska ahaato ama aad iska jiifto maalintii oo dhan. Waa inaad sida caadiga ah u sameysaa jimicsiga iyo jirdhiska. Keliya waa in aad iska ilaalisaa kuleylka qorraxda. 

Marka aad afurto oo aad xoogaa nasato waa in aad ugu yaraan 30 daqiiqadood socod ah ama jimicsi caadi ah haddii aad samayn karto. Waayo jimicsigaas wuxuu kaa caawinayaa inaad gubto dufanta iyo xeyrta jirka ku jirto. 


Fadlan asxaabtaada lasii wadaag qormadan. 


WQ: Nasriina

Post a Comment

0 Comments