Header Ads Widget

Responsive Advertisement

News Ticker

3/random/ticker-posts

Qisadii Jaceyl ee ugu Quruxda Badneyd Abid Taariikhda

Qisooyinka jaceylka ma ahan kuwa ku dhamaado guurka ka dib, ee waa qisada uu jaceylkeedu sida dhabta ah u nagaado guurka ka kadib, iyo geerida kadibba uu midkood lammaanuhu nafta waayo.

Ma ogtihiin in Nabi Muxamad cs uu ahaa addoonka ugu awoodda badan addoomada ee la noolaa jaceyl dhaafay xadkiisa oo cidna ka qarsoomi waayay? Waa jaceylka uu u qabay xaaskiisa Khadiija Binti Khuwailad RC. Wuuxu ahaa jaceyl Nabiga si daran u saameeyay, geerideedi kadib.

Geeridi Khadiija sanad kadib ayaa waxa Nabiga u timid haweeneey saxaabada, waxa ayna ku tiri; “Maxaadan u guursan Nabigiyoow”? Agtaada waxaa ahaaday 7ba caruur ah, iyo dacwad culus ood u taagantahay, waxaana lagama maarmaan ah in aad guursato, waayo waa awoodda dajisa nin kasta.

Nabi Maxamed wuxuu u ilmeeyay si aad ah wuxuuna yiri; “Khadiija kadib ma aniga ayaa noqday qof guur mudan ”.?

Hadii aysan ahaan laheyn ammarka Eebbe, Nabi Muxamad ma uusan guursadeyn abid. Khadiija gadaasheed ma jirin haween uu guursaday, mana uusan la noolaanin ninimo, ee amarka Alle ayuu awoodi waayey inuu jebiyo, mana uu hilmaamin Khadiija 24kii sano ee uu lnoolaa gadaasheed, illaa uu Alla Weyne uu isagiina oofsaday.

Furashadi “Makka”, ayaa Nabiga iyo saaxiibbadii, aad kaga sheekeysteen noloshii Khadiija, iyo qisooyinkeedii quruxda badnaa, kolkaa bay Caa’isha Binti-Abuubakar waydiisay, qofka ay sidaa kaga qisoonaayaan? Nabiguna waxa uu ugu jawaab celiyay; “Waxa aan ka sheekeysaneynaa maalmihi Khadiija”!

Caaisha aad bay u hinaasi doontaa, waxaana ay ku dhihi doontaa; “Adigu matihid mid ka baaba;ayo, in uu xasuusto cajuuzadaas, iyada oo xataa gadaasheed gabdho iyada ka wanaagsan lagugu beddalay”!

Nabigu aad buu u caroon doonaa, isaga oo canaananaaya Caa’isha ayuu leeyahay; “Ilaahbaan ku dhaartaye, la iiguma baddalin qof ka kheyr badan! Waxa ay i garab siisay, xilli dadku i dhibeen, waxa ayna i rummeysay rummeyn xilli ay dadku i beeniyeen”!

Caa’isha waxa ay dareentay in Nabigu u carooday, maalinkaa kadib bay leedahay ma aanan soo hadal qaadin war ay Khadiiji leedahay, iyada oo ka cafis waydiisaneysa Khadiija bay dhihi doontaa;

“إستغفري يا خذيجة”

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Aisha Haji Abdalla

Post a Comment

2 Comments