Header Ads Widget

Responsive Advertisement

News Ticker

3/random/ticker-posts

8 Shey oo saldhig u ah inaad Noloshaada Guul Ka Gaarto



Waxaa jira sifooyin tayo-shakhsiyadeed dhowr ah oo qofwalba ku hamiyo inuu lahaado si uu nolosha guul uga gaaro. Sifooyinkan waa kuwo si tartiib tartiib ah uu qofku u kasbado sida geed yar oo la beeray lagana rajeynayo mustaqbalka inuu miro lagu manaafaco laga helo. 



Dabeecadan guusha horseedka u ah waxaa laga dhaxlay dad badan oo qaybaha bulshada ay ka kooban tahay kamid ah. Sifooyinkan ama dabeecadahan mahan kuwo habeen qura la sameysan karo ee waxay ku yimaadaan isbedello si aayara loogu sameeyo hab-nololeedkeena marba mark aka dambeysa. 

Nuxurka sheekada waa marka aad rabto inaad nolosha guulo waawayn ka gaarto waa inaad dadaal iyo dhabar adeyg la timaadaa. 

Halkan ayaa ku falanqayn doonaa sifooyinka, dabeecadaha iyo tayo-shakhsiyadeedka nolosheena u horseedi kara guusha. 


1. Adkeysi 


Marar Kala Duwan ayaa laga yaabaa inay culeysyo kula soo gudbaadaan, ha ahaato mar dhow ama mar fogba. Sheyga keliya aad uga gudbi karto marxaladaha adag waa inaad adkeysi u yeelato. Adkeysigu wuxuu kaa caawinayaa inaad ka soo kabato culeysyada kusoo waajaha. 


2. Hammi 


Waxaan su’aal ka taagnayn inaad u baahan tahay inaad ahaato qof howlkar ah oo dadaal badan si aad uga mid noqoto dadka nolosha heer sare ka gaaray. 

Diinteena sharafta badan waxay nagu boorisaa inaan noqono dad hammi-sare leh. Marka uu qofku hammi leeyahay waxaa u fududaaneysa inuu la yimaado waxwalba oo dadaallo ah ee u suuragelin kara hiigsiga hamigiisa. 


3. Isku-Tiirsabaan 


Si aad u gaarto guusha aan noloshaada ku hamineyso waa inaad adiga isku-tiirsanataa. Haa Adiga shakhsigaaga! Waa inaad ogaataa waxayaabaha aad ku fiican tahay iyo waxyaabaha aadan awood u lahayn. Diiradda waxyaabaha aad awoodda u leedahay islamarkaana ka dhigo wadadii aad u mari lahayd guusha. Haddiiba aad tahay qof dad kale ku tiirsan ogoow inaadan ku socon dhabaha saxda ah ee guusha. 


4. Dulqaad 


Tani waa mid kamid ah sifooyinka ama tilmaamaha shkhsiyadeed ee ugu adag in la kasbado. Mana sahlana in si fudud lagu helo dabeecaddan. 

Talyaaniga waxay ku maahmaahdaan “Rooma Maalin Laguma Dhisin” oo ay ka wadaan magaalada caasimadda Talyaaniga ah ee Rooma hal maalin qura kuma dhismin. 

Si aad guul la taaban karo uga gaarto nolol farxad lehna ku noolaato waa inaad kasbataa Dulqaad. Guushu waxay u baahan tahay dulqaad badan si looga mira dhaliyo. 


5. Geesinimo 


Inta badan dadka dhallinyarada ah ee ku guuldarraysta gaaridda hadafkooda nolosha waa kuwo ka baqay inay u babacdhigaan hardanka nolosha iyo caqabadeheeda kadibna is dhiibay. Ogow dadkaasi kama cabsi qabaan inay heer gaaraan ee waxay u ka baqeen inay u bareeraan khataraha ku gorgudban guusha inay gaaraan. 



6. Ka Go’naasho 


Sirta iyo Furaha guusha waa ka go’naashaha qofka inuu ka mira dhalaiyo hadafkiisa. 

Hadiiba aadan sifadan ah ka go’naashaha waxaad qarka u saran tahay inaad lumiso feejignaanta iyo diiradda ku hayso hadafkaaga. 


7. Niyad Wanaag 


Waa inaad marwalba ahaa qof niyadsan oo waxwalba ka eega dhanka wanaagga. Marka aan niyad wanaagsan leedahay waxaad awood u yeelanaysaa in caqabad kasta oo nolosha kaa soo waajahdaa ay si deggan ku xaliso. 

Marka aad caqabadaha ku fiiriso niyad xumi iyo raja beelnimo waxaa sii adkaaneysa inaad raadiso xalka saxda ah ee aad ku maarayn lahayd. 


8. Isku Kalsooni 


Waa inaad naftaada ku kalsooni qabtaa islamarkaana inaad awood u leedahay qaadista tallaabo kasta oodhaka guusha kuu dhaqaajin karta. Marka aad garab haysato waxaa sidoo kale waxay kuu noqoneysaa dhiirigelin. Inkastoo nin geesi ah raggu geed adeeg yahay haddaan garabka lala galin guri oodi mayo. Murtidaasi waxay inoo muujineysaa sikasta oo uu qofku awood u leeyahay amaba isugu kalsoon yahay haddana uusan ka maarmin dad garab istaaga lana xaqiijiya gaarista guushiisa. 

Nuxurka guud ee isku filnaashuhu waa inaad adiga is aaminto. Marka aad adiga aaminsan tahay niyadaadana aad ka dhaadhiciso inaad guuleysaneyso ayaad tallaabo u qaadi kartaa wadada guusha. 

Haddii Aad ka heshay maqaalkan fadlan la sii wadaag asxaabtaada si ay ayagana uga sii faaideystaan. Wixii fikir talo ama tusaalayn ahna fadlan nala wadaag adigoo qaybta hoose ee faallooyinka kusoo gudbinaya ra’yigaaga.

WQ: Nasriin

Post a Comment

0 Comments