Nin ayaa waxa uu u gacan qaadi jirey oo dili jiray xaaskiisa aadna wuu u garaaci jiray, isaga oo leh waan edbinayaa, dabadeed maalin maalmaha ka mid ah ayaa isaga oo garaacaya xaaskiisa waxa uu ku dhuftay meel halis ah waana ay u geeriyootay.
Ninkii ayaa waxa uu qoomameeyay dilka uu u geystay xaaskiisa, waxaana uu u cararay xaggaa iyo Nin ay deris ahaayeen oo aan ka fogeyn mar marna ay sheekeysan jireen waxaana uga warramay sida xaaskiisii u dhimatay isaga oo edbinaya, waxuuna weydiistay in uu siiyo talo uu kaga badbaado dilkaas uu geystay.
Ninkii oo talo xumaa ayaa waxa uu kula taliyay oo ku yiri sidan:
“Saaxiib inta aad Wiil dhallinyaro ah waddada uga yeerto gurigaaga u kaxee oo isaga dhig inaad uga baahan tahay arimo muhiim ah inuu kula xaliyo, dabadeed isna dil oo gawrac meydkiisa iyo meydka xaaskaaga is barbar-dhig, si loo moodo in iyada oo gogol dhaaf sameynaysa aad wiilka iyo iyadaba wada dishay”.
Intaas ka dib ninkii ayaa Taladii saaxiibkii u riyaaqay durtadiibana waxa uu u yeeray Wiil waddada marayay gurigiisa ayuu geeyay waana uu dilay meydkiisiina waxa uu ag dhigay meydkii xaaskiisa, Qoyskii gabadha oo yaacaya ayaa yimid illayn waata la yiri “Gabadha dhaqashadeeda ayaad leedahay ee dhiiggeeda ma lihide” waxa ay ku yiraahdeen waar maxaad gabadha ku dishay?
Waxa uu ugu jawaabay waad arkaysaan oo wixii Nin xaaskiisa oo gogol dhaaf sameysay ka yeeli lahaa Ayaan ka yeelay labadoodiina waan wada dilay.
Reerkii gabadha dhalay oo argagaxsanaa ayaa waxa ay yiraahdeen haddii sidaa ay sameysay waa Muslim ceebays si fiicanna waad ka yeeshay reerkayagiina way ceebaysay Meydkeedana dooni mayno ee meelahaa gee oo ku aas, waana ay iska laabteen.
Intaas ka dib ayaa Ninkii u tagay Saaxiibkiisii talada xun soo siiyay waana uu u sheegay sida uu yeelay, dabadeed waxay isu soo raaceen xaggaa iyo gurigii labada meyd yaalleen si ay usoo aasaan.
Dabadeed Ninkii talada xun siiyay ayaa ku yiri saaxiib bal i tus wiilka aad dishay wajigiisa aan eegee, waa uu eegay mise waa Wiilkiisii, kor ayuu ugu dhawaaqay waar Inankaygii ama wiilkeyga ayaad dishay, isna wuxuu ugu jawaabay Saaxiib wiilkaaga miyaan garanayay taladii aad isiisay ayuunban ku dhaqaaqee!!.
Dulucda iyo biyo dhacu waxa weeyaan weligaa ha kula talin Saaxiibkaa/Saaxiibaddaa talo shirqool ah oo ka dhan ah qof kale amma ummaddaba oo kaa daba iman doona.
Qalinkii: Mohiyadin Mohamoud
0 Comments