Akhriso Qiso aad u murugo badan oo ku cibra qaadasho mudan. Nin dhalinyaro ah oo Faqri, murugo iyo welwel badan nolosha la nacay ayaa galab waxaa uu go'aansaday in uu isdilo.
Waxuu yiri dukaan laamiga ku yiilay ayaan aaday si aan uga soo iibsado xarig aan isku daldalo. Intii aan jidka sii socday ayaa waxaan dareemay taabashada gacan qaboow oo gacanta igu dhegan.
Markii aan gadaaal u eegay waxay noqotay islaan duruufaysan oo miskiinad ah oo indhuhu godmeen. Waxay cod gargariiraya igu tiri iyadoo dhulka fiirinaysa xishood awgiis "Baahi ... baahi ayaan u dhiman rabaa ee fadlan naftayda badbaadi walaal.."
Indho argagax iyo quus la madoobaday inta aan ku eegay ayaan niyadda ka iri "aniguba walaal, murugo iyo welwel ayaan u dhiman rabaa' e ee fadlan i badbaadi ..", jeebkeyga ayaan gacanta geliyay oo siiyay 20 kun oo shillin soomaali ah oo jeebka iigu jirtay. Waxay iga hor dhaqaaqday iyadoo sidii laan ay dabeyli ruxeyso oo hamuun iyo baahi darteeda u ruxeyso jirkeeda liita ama caatada ah.
Intaa kaddib waa aan iska sii socday oo galay dukaaankii aan u socday, oo aan damcay xariggii ka iibso. Markii uu xariggii ii soo taagay dukaanlihii ayaan jeebkayga midig ee surwaalka gacanta geliyay oo lacagtii maagay iska bixi nasiibdarro se wax lacag ah kama helin. Si degdeg ka muuqato ayaan jeebabkayga oo dhan mid mid ugu baaray oo lacag ka raadiyay, laakin xataa kun shilin oo jeexan waan ka waayay.
Anigoo caraysan ama xanaaqsan ayaan iskaga soo noqday gurigaygii. Mar haddaan aqoon meel kale oo aan lacag ka heli karo. Markii aan gurigii imid kaddib ayaan xasuustay in aan lacag intii yareyd ee aan ka haystay in aan siiyay islaantii baahida u dhiman rabtay ee Alle ka sakow " i badbaadi igu tiri".
Waxa aan la yaabay sida uu ILAAHAY laba naf hal mar ugu wada badbaadiyay 20 kun oo Sh. Soomaali ah bes. Waxaan yaqiinsaday in Allahaas weyn ee xigmadda badan uu xaalkayga goordhow u bedeli doono mid qurxoon oo iftiimaya. Markaas ayaan maskaxdayda ka saaray go'aankaygii foosha xumaa ee iga qaadi gaaray naftaydaan yar ee ilaahay iigu deeqay sida bilaashka ah.
Sidoo kale akhri: Xasuus Qorkii Nelson Mandela Qiso Cajiib ah
Qalinkii: Cabdullaahi Baabal
0 Comments