Header Ads Widget

Responsive Advertisement

News Ticker

3/random/ticker-posts

Xasuus Qorkii Nelson Mandela Qiso Cajiib ah


Xasuus Qorkii Nelson Mandela Qiso Cajiib ah oo ku dayasho mudan inay Siyaasiyiinta Soomaalidana ku waana qaataan. 

Wuxuu yiri Nelson Mandela markaan noqday madaxwaynaha koonfur afrika, ayaan maalin ka codsaday qaar ka mid ah wardiyayaasheyda ama ilaalideyda in ay magaalada igula soo dhex lugeeyaan, cabaar ka dib ayaanu galnay maqaayad, waan fadhiisannay, qof walbana wixii uu rabay ayuu dalbaday! 

Inti aan sugeynnay cuntadi aan dalbannay, ayaa waxa ay indhahaygu ku dhaceen qof fadhiyey ka soo horjeedkeyga, dabcan isagana wuxuu sugayay dalabkiisa. 

Mid ka mid ah ilaaladaydi ayaan ku iri: kac oo ninkaas ka soo codso in uu miiskaan nala soo fadhiisto si aan wax u wada cunno. 

Ninkii wuu yimid, waana uu soo fadhiisiyey dhinacayga, waxaan billownay in aan cuntadi isla cunno, dhibco dhidid waawayn ah ayaa dhafoorkiisa ka soo hoorayay, gacantiisuna way jareyneysay oo maysan awoodin in ay cuntada afka gaarsiiso.. ‏ 

Ka dib markii aan cuntadi dhammaysannay, oo uu ninki tagay, ayuu waardiyahaygi qaaska ahaa igu yiri: 
Ninkii nala fadhiyey wuxuu ahaa mid xanuunsanaya, gacmihiisu way jareynayeen, ma na awoodin in uu si fiican wax u cuno! 

Waxaan ugu jawaabay: 
Ninkaas wuxuu ahaa waardiyihii igu hayay qolki aan ku xirnaa, inta badan waxaa dhici jirtay; ka dib marka la isoo ciqaabo, waan qaylin jiray aniga oo codsanaya xoogaa biyo ah in la isiiyo, ninkaan ayaa ii soo geli jiray, madaxa ayuu na iiga kaadin jiray mar walba.

Sidaas daraadeed ayuu la jareynayay cabsi uu ka qabo darteed in aan ka aarguto oo aan jeelka dhigo, laakiinse, aqlaaqdeydu sidaasi ma ahayn, sababta oo ah caqliyada ku dhisan in dadka laga aarguto ma ahan mid dhista dal iyo dowlad, halka caqliyadda kudhisan tanaasulka iyo dulqaadka iyo iscafinta ay tahay mid dhisto umad iyo dalba. 

Haddii uu maqaalka ku cajab geliyay fadlan ha iloobin inaad lasii wadaagto asxaabtaada si ay iyagana uga wada faaiideystaan, waad ku mahadsan tahay. 


Qalinkii: Mohamed H. Biikole

Post a Comment

0 Comments