Header Ads Widget

Responsive Advertisement

News Ticker

3/random/ticker-posts

Talooyin Muhiim ah oo Nolosha Anfacaya



Cafiska ogow 


Dabeecadaha lagu garto ruuxa nolosha u bisil kamid mahaa nacaybka, uur xumida iyo u degdegidda inaad aargoosi sameyso. 

Qofka nolosha u diyaarsan waa qof si tolmoon oo wanaagsan u fikiraya, awood u leh in uu cafiyo khaladaadka dadka ku xeeran kaga yimaadda, aqbalana raalli gelinta cidda ku gefta. Qofka nolosha u diyaarsan waa midka aan marna ku fekerin inuu dadka ka aargoosto, sidoo kalena aan wixii xumaan ah xumaan kale ku gudin. 

Ha noqon Danayste


Noqo qof Marwalba ku dadaala inuu caawiyo dadka kale una rajeeya khayrka iyo samaha inta aad kari karto. Qofka oo naftiisa uun wanaag kasta la doonaa waxa ay astaan u tahay in uu yahay qof aan xasiloonayn, ammaan darro nafsi ahna dareemaya, waxa ay ka mid tahay sifooyinka lagu garto dadka aan caqliyad ahaan u bislayn. 

ku Dadaal In Aad Farxad Geliso Dadka


Deeqsinimada iyo wax-bixintu kuma koobna dhinaca dhaqaalaha, balse waxaa jira wax bixin dareen ah oo aan la taaban karin oo ka badan tan la taaban karo. Adiga oo ku dadaala in aad farxad geliso dadka kugu xeeran ayaa ka mid ah deeqsinimada ugu habboon. 

Waa in aad kala garato bisaylka iyo weji xirnaanta, qofka bisili, ma’aha qof weji xiran, mar kastana si aan kaftan ahayn wax u eega, balse waa qofka garanaya marka ay tahay in uu qoslo iyo cidda ay tahay in uu la qoslo, marka ay tahay in uu waqtigiisa ku raaxaysto iyo marka ay tahay in kaftan iyo ilaaq uu dhinac iska dhigo. Qofka aan dhiman in habeen kasta cimri u kordhaa waa lama huraan, cidina waxba kama beddeli karto, laakiin in aad noloshaada ku raaxaysato, dhabta iyo dheeldheelkana isu miisaantaa waa doorasho qofka ka imanaysa oo ay tahay in ay ku dhisnaato maskax iyo awood uu qofku u yeesho qorshaynta, dad aad u yar baana sida ay tahay uga soo baxa. 

Naftaada ku kalsoonoow


Ugu dambayntii Waxa aad ku dadaashaa in naftaada aad ku beerto kalsooni, shakhsiyaddaada intii suurtogal ah aad ku qanacdo. Qofna ma jecla ruuxa wallaaca badan ee aan go’aanka adag lahayn. 

Markaad tahay shakhsi nafsadiisa ku kalsoon ayaad kasban kartaa ixtiraamka kalsoonida dadka kale ee kula nool.. Laakiin ogow in ay kala duwan yihiin naftaada oo aad ku kalsoonaato iyo indho-adayga akhlaaqadaada dhaawacaya. 

WQ: Abdullahi Colombo

Post a Comment

0 Comments