Header Ads Widget

Responsive Advertisement

News Ticker

3/random/ticker-posts

Maskaxdaada Xuree: Qisadii Maroodigii Xoogga Badnaa iyo Waxa aan ka baran karno

Waa maroodi aad u xoog badan oo rabbaayad ah. Nin ayaa wuxuu usoo kaxeystey qaybta dambe eek u taalay qasrigiisa kuna qurxistay.

Waxa uu ku xiray beer weyn oo uu lahaa. Maroodigu bilowgii uma uu hoggaansamin silsiladda cagta lagaga xiray iyo xorriyaddiisa ninkani la wareegay.

Laakiin maalmo iyo toddobaaddo uu isku dayeyey in uu ka fakado kaddib ugu dambayntii waxa uu gaaray heer quus ah oo uu isu dhiibay silsiladdii ku xirnayd. Waxa aanu joojiyey isku dayadii uu doonayey in uu xoriyaddiisa dib ugu helo.

Maalin dambe ayaa uu ninkii beddelay birtii u aasnayd silsiladda ku xiran maroodiga, waxa aanu ka dhigay mid aan sidaa u itaal badnayn, oo haddii uu maroodigu faro lahaan lahaa uu si fudud u kala jebin lahaa.

Haddaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu nin kale weydiiyey ninkii guriga lahaa, sababta aanu maroodigu isugu dayin in uu burburiyo birtan yar ee uu ku xiran yahay si uu isaga furo.

Ninkii maroodiga iska lahaa ayaa waxuu ugu jawaabey “Maroodigan waa mid aad u xoog wayn, si fudud ayuuna iskaga furi kari lahaa xariggan ku xidhan. Haseyeeshee Dhibaatada jirtaa ayaa ah arrintaas aniga iyo adiga oo kaliya ayaa og, laakiinse maroodigu ma oga. mana uu fahmaayo ilaa iyo inta ay awooddiisu gaarsiisan tahay”

Qisadan waxa aynu ka arkaynaa wax isku ‘qufulka taban’ oo ah in uu qofku maskaxdiisa uun barnaamij si ay isaga ula muuqato oo taban uga aamino.

Maroodigu kuma kalsoona awoodda uu leeyahay, keligiisana kuma koobna arrintan ee anaga oo dhan sidaas Ayaan lamid nahay. Arrinta keliya aan kaga gedisan nahay ayaa ah inaan bani’aadan nahay, waxaan awood u leenahay inaan aaminsanaanta noocaas ah maskaxdeena ka saari karno, sidoo kalena waxaan u beddeli karno fahamkaas khaldan ee aan marka hore garashadeena iyo maskaxdeenaba ku xirnay oo ku qufulnay.

Isbeddelkaasina waa in uu ku bilowdo tallaabooyin aasaas u ah, oo ay ka mid tahay in marka hore aynu go’aansanno isbeddel. Isbeddelka uu qofku samaynayaa waxa uu marka hore ka dhacaa qofka maskaxdiisa iyo sida uu u fikirayo. 

Sidoo Kale Akhri: Qisadii Bahluul oo Ahaa Nin Caqli iyo Aqoon Isku Darsaday

Lasii Wadaag Asxaabtaada adoo mahadsan.

Waxaa Qoray Dr Ibraahim Faqi Alle ha u naxariisto.


Post a Comment

0 Comments