Header Ads Widget

Responsive Advertisement

News Ticker

3/random/ticker-posts

Qiso Cajiib Ah! Hal Doolar Mucjiso Ku Iibso!




Hal Doolar Mucjiso Maku Iibsan Karaa? Waa Qiso Cajiib ah oo ku saabsan qoys sabool ah oo ka kooban hooyo, Aabe iyo wiil iyo gabar ay dhaleen.


Wiilkoodii ayaa aad u xanuunsaday, baaris kadib waxaa la ogaaday in xaaladda wiilku khatar ku jirto una baahan yahay Qaliin degdeg ah, Wiilka buro ayaa uga taalay madaxa waxaana lagama maarmaan noqotay in lagu sameeyo Qaliin halistiisa leh oo nolol iyo geeri u dhaxeeya.

Sheeka dheer oo dhexmartay Aabaha wiilka iyo dhaqaatiirta kadib ayuu Aabihii guriga ku soo Laabtay isagoo murugaysan, xaaskiisa ayuu u sheegay xaalada wiilkooda soo food-saartay iyo inay khasab tahay in inanka lagu sameeyo Qaliin lacagta ku baxaysaa ay aad u fara-badan tahay, Sidoo kalena ay mucjiso u baahan yihiin si wiilkoodu u badbaado!.

Gabadhoodii yarayd ayaa maqashay hadalkooda, Qolkeeda ayaa u carartay, boorso yar oo ay lahayd ayey lacag ka baartay, waxay ka heshay Hal dollar oo keliya, Halkii dollar ayey la soo carartay waxay soo aaday Farmasigii ugu dhowaa xaafadooda, waxay la kulantay iyadoo dhaqtarku qof la sheekaysanaayo, in cabbaar ah ayey sugtay ,markay daashay ayey dhaqtarkii u timi, iyadoo qaylinaysa ayey halkii dollar miiska u saartay, waxay sii raacisay "MUCJISO IGA IIBI"!

Dhakhtarkii ayaa ku dhahay "soo ma arkeysid busy inaan ahay oo aana la sheekaysanayo walaalkey oo aan in muddo ah is mooganayn?

Markaasuu haddana waydiiyey "MUCJISADA AAD RABTO WAA NOOCE?
Kadib ayay ku tiri "Ma aqaano laakiinse hooyadey iyo Aabahey ayaan ka maqley iyagoo  ku sheekeysanaya in inankeenu uu mucjiso keliy UU ku badbaadi karo, halkaan doolar ma ii goyneysaa mucjisadaasi?"
Kadibna Dhakhtarkii ayaa ugu jawaab celiyay "Haa waad awooddaa inaad halka doolar ku iibsan karto mucizo laakiinse waa inaan walaalkaa soo arkaa marka hore".

Dhaqtarkaas wuxuu ahaa Dr.Carlton Armstrong Waa dhaqtar caan ah oo ku takhasusay Qaliimada Neerfayaasha.

Waxa uu xaafadoodii usoo raacey gabadhii isaga oona la kulmey waalidiintii, kadibna wuxuu u sheegey inuu wiilkooda qaliinka ku sameynaayo, Dhowr berri kadib ayuu wiilkii qalliinkii ku sameeyey waana uu ku guuleystay qalliinka.

Halkii dollar ee gabadhu siisay oo keliya ayuu ka qaatay , Kadibna Halkii Dollar ayuu ku dhejiyey Darbiga Xafiiskiisa wuxuuna ku hoos qoray "DOLLARKANI WAA QIIMAHA MUCJISADA"

Sheekadan buugaag badan ayaa lagu qoray Luuqado kala duwanna waa lagu turjumay, waxay tusaale u tahay siday Caruurtu u jecel yihiin walaalahooda kale mararka qaarna ay naftooda u huri karaan.

Dulucda sheekadani waxay tahay in Caruurtu aad u qalbi fiican yihiin
  • Hadday arkaan qof baahan waxay jecel yihiin inay wax siiyaan.
  • Hadday arkaan qof bukaan ah oo xanuun hayo xanuunka ayey la dareemaan.
  • Hadday arkaan Qof hoy ama guri la'aan ah oo dhaxantu ku dhacayso Maalinkii oo dhan ayey ka fekeraan hurdana ka timaado.
  • Cunto uma dhadhanto hadday arkaan qof gaajo ama baahi hayso.


 Sidoo Kale Akhriso: Qiso Cajiib ah oo Murugo Badan

W/T: Mustaf Awil Hassan

Post a Comment

0 Comments