Nin Sheikh Caalim ah ayaa Habeen wuxuu ku Riyooday Nin uu yaqaanay oo Jannada Dhex jooga, markii la gaaray Subaxii oo uu Waagii Beryay ayaa Sheekhii wuxuu raadiyey Ninkii uu Xalay ku Riyooday asagoo Jannada dhex jooga.
Markuu u yimid ayaa Sheekhii wuxuu Ninkii ku yiri:- ii sheeg, maxaa Camal ah oo aad Sameysaa, oo Alle SW, ugu dhawaataa? Waayo Xalay waxaan ku Riyooday Adigoo dhex Miranaaya jannada. (Ninkii wuu diiday in uu Sheekhii uu uga jawaabo Su'aashiisii).
Sheekhii ayaa mar labaad haddana Ninkii ku yiri:- ilaah baan kugu Dhaariyee ii sheeg Camalka aad Sameysay, anigana aan Allaah SW, ugu Dhawaadee, si aan u helo Allaah Raxmadiisa.
Ninkii ayaa yiri:- Sheekh baa tahay oo Qisadeyda ma Qarin kartid, laakinse ii Balan qaad in aadan Dadka u sheegeynin Magaceyga, Sheekhii ayaa u Balan qaaday in uusan Magaciisa sheegi doonin, Ninkii ayaa yiri:- Waa yahee dhageyso qisada igu dhacday:-
Waxaan guursaday gabar, marki aan Guursaday oo Guriga geystay, markaan Guriga geystay ka dib ayaa waxaan Ogaaday in leedahay Uur dhowr Bilood ah oo aan Anigu lahayn, waan naxey waxaana garan waayay wax aan sameeyo, in aan u ceeb qariyo ayaana markaas go’aan ku gaara. Si aan ceebteeda u qariyo uurkeedana loo ogaan ayaa waxaan sidoo kale xaaskeyga u diiday inay soo booqdaan qaraabadeyda iyo ehelkeedaba.
Markii la gaaray waqtigii foosha, Umuliso Ayaan ugu yeeray si gabadhii guriga ugu dhaliso. Waxa ay dhashay mmin aroor hore ah, kadibna waxaan soo qaaday cunuggii waxaan dhigay albaabka masaajidka maadaama waqtigii Salaadda Subax la galyay ahayd. Aniga waxaan usii gudbay masaajidka. Salaad suno ah Ayaan tukaday. Bannaanka markaan usoo baxay ayaa waxaan arkay dadkii xaafadda degganaa oo kusoo xoomay ayagoo is weydiinaya cunugga yar cidda dhashay iyo cidda meesha soo dhigtay.
Waan soo qabtay Cunigii Dadkii ayaana ku iri Wiilkaan Hooyadiis ayadoo ka Baqeyso Ceeb ayey iska soo Fogeysay, aniga ayaana qaadanayaa oo Kafaalo qaadayo, Gurigayga ayaana ku Korsanayaa, waxaan u Markhaati geliyey Dadkii Goobta joogay, ka dib Xaaskeyga ayaan Tuulo kale u waday, Markhaatiyaal iyo Sheikh cusub ayaana ula tagay si markale la iigu Mehriyo.
Gabadhii Hadda waa Xaaskeyga waxey ii dhashay ilmo badan, Naxariista aan u sameeyey waxey igu Abaal guday in ay igu Nooleyso janno Adduun, Aakhirana Allaah SW, ayaa waxaan ka Baryayaa in uu Jannadiisa nagu Kulmiyo Aniga iyo Xaaskeyga.
Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.
0 Comments