Header Ads Widget

Responsive Advertisement

News Ticker

3/random/ticker-posts

Cashadii Ayayba igu Soo Jiidatay Qofta



Waa Sheeko ku saabsan qof jacayl barad ahaa iyo waayihiisa jacayl waxyaabihii uu kula soo kulmay. Waxaana laga yaabaa kuwo badan oo akhristeyaasha kamid ah inay ayagana sidaan oo kale soo mareen khibradna ka kororsadeen arrima jacaylka. 


Si kedis ah ayey Habeen habeenada ka mid ah iigu keentay Casho Heer Sare ah, waxaana intaas ka dib igu dhashay Dareen jaceyl isku bedelay inkastoon ku Hungoobay. 

Anigoo Cashadii si Habsami ash uga dhergay, sidoo kalena aan Maanka ku hayo inaan mar uun Qoftaan Qalbigeeda soo jiito ayey iga soo doontay Alaabtii aan ku Casheeyay, maadaama aan Goob Farmashi oo iyaga Deriskooda ah aan ka Shaqeynaayay. 

Hees Qaraami ah oo ii Shidnaa ayey igu tiri ii Tuur aboowe heestaan oo iigu Shub Telkeyga, waxeyna ii dhiibtay Mobilkeeda, weyna iga dhaqaajisay. 

Waxayba ii noqotay sidii aan rabay waayo fursad u helay in aan lambarka telefoonkeeda qorto, waxaan sidoo kale ku sameeyay baaritaan aad u dheer oo aan ugu kuurgalayo bal inay xiriir kale cid la leedahay iyo in kale. 

Xilli markii ay reerku kala seexdeen bay si aayar ah intay u soo dhuumatay waxay iigu timid meeshii aan ka shaqeynaayey, Waxayna igu tiri aboowe halmar telefoonka ii dhiib, anna waxaan ku iri abaayo aan ku sii dhoweeyo waa ayna iga ogolaatay. 

Habeenkaas wixii ka dambeeyay waxaa is beddrlay Nolosheyda, waxaana jeclaaday Gabar aad iiga Da'yar oo aan xitaa Shukaansi Aqoon, Walow uu Damac waalan Gubaayay. 

Goortaas wixii ka dambeeyay Gabadhii heer waxey gaartay wax kasta oo aan u soo jeediyo ineysan Maya dhihin oo ay igu raacdo iyadoo i Qadarineysa. 

Xiligaas aduunka waxaan ugu jeclaa inaan Shukaansado Gabdhaha Shukaansi baradka ah, hase yeeshee hadda waxaan jeclahay Garoobada iyo Hablaha Xusul Baruurta ah, si aan uga Guuleysto kkkkkk. 

Mareegtan Qiso iyo Sheeko Waxaad ka heleysaa qoraallo u badan Qisooyinka wax ku qaadashada mudan, arrimaha bulshada iyo sheekooyinkaba. 

Fadlan walaal la sii wadaag asxaabtaada si ay qormadan kuula akhristaan. 

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.

Post a Comment

0 Comments