Waa Maqaal U Gaar ah Ragga Soomaaliyeed oo loogu talagalay inay is weydiiyaan su'aalo la xiriira jacaylka. Sidoo Kale Waa Dardaaran ragga loogu iftiiminayo qiimaha ay leeyihiin gabdhaha Soomaaliyeed.
Ragoow ma is weydiiseen Gabadha ku jecel sababta ay kaaga xulatay Ragga oo dhan, iyadoo heleysa Nin kaa Wanaagsan, kaama Sharaf badan.
Ragoow ma is weydiiseen sababta ay Ereyada Macaan ee Naxriista ku dheehan ay Adiga kuu dhahdo, iyadoon xataa ku dhihin Ereyadaasi Qoyskeeda.
Ragoow ma is weydiiseen sababta ay Adiga kuula Kaftanto, iyada oo ay Macquul tahay ineysan cid kaleba la Kaftamin.
Ragoow ma is weydiiseen Gabadha ku jecel sababta eysan kaaga Maarmeyn, kuuguna Kalsoon tahay.
Ragoow ma is weydiiseen Gabadha ku jecel sababta ay u rabto iney Qoys kula yagleesho, Nolol Farxad lehna ay kula Wadaagto.
Ragoow ma is weydiiseen sababta ay waxaas oo dhan iyo wax ka sii badanba ay kuugu samayneyso, iyadoon kula Dhalan, dabeecadahaaga qaarkoodna eysan Aqoon, Jacaylkana ay kuugu qaaday.
Haddaba, aan Wax kaaga sheego, Waxa ay u Sameyneeso intaasiba, waxey tahay:-
Habluhu waa Nolol ay Naxariisi ku laran tahay.
Habluhu Waa Beer u Nugul Buktada Caashaqa.
Haweenku Waa Qalbi u Bisil Barbaarinta Caashaqa.
Haweenku Waa Hooy laga Dugsado Dhaxanta.
Haweenku Waa Geed aad ka Guraneyso Mirahaad ku beerto, una guraneyso hadba sidaad u beerto.
Haddaba, Ina Raggoow Waxaan ku leeyahay :-
Fadlan Xaaskaaga Dhaqo oo Dhowr oo Dhibna yeysan Arag.
Fadlan Xaaskaaga Xannaanee, Xushmee oo Xubbi badan dareensii.
Fadlan Xaaskaaga Jamo oo Jecloow oo Jannadaada ka dhigo.
Fadlan Xaaskaaga U Nuglow oo u Naxariiso, una Nasteexee.
Sidoo Kale Akhri Qormo Cajiib Ah: 10 Calaamadood oo aad ku garan karto gabadha Sida dhabta ah kuu Jecel
Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.
0 Comments